|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbiga UCID- Oo Beeniyay in xubo ka tirsan xisbigoodu ay is casileen
January 29, 2014 - Written by Editor:HARGEISA WAJAALENEWS JAMHUURIYADDA SOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID Justice and Welfare Party حزب العداله والرأفة Ref/UCID/007/2014 Date: 29/01/2013 Ujeedo: Beenin Haddaanu nahay Xisbiga UCID, waxa aanu halkan ka caddaynaynaa in aanay waxba ka jirin kooxdaa Waqooyiga LONDON iska Casilay Wax Xilal ah oo ay Xisbiga u hayeena aanay jirin mana garanayno manaanaan maqal. Waxa ay arintani ka mid tahay Ololaha Dawladda ee sumcad ka dilka Xisbiga UCID. Saxaafadda waxa aanu ka codsanaynaa in ciddii wax ka sheeganaysa Xisbiga ay ka fiirsadaan lana soo xidhiidhaan Madaxda Xisbiga ee Heer Gobol iyo Heer Qaran, haddii kale qof kastaa wax buu sheegan karaa. Wakiilka Xisbiga UCID ee Dalka UK waa Gudoomiye Shiine Maxamed Koodbuur iyo Ku xigeenadiisa iyo Guddidiisa. Waxa aanu idinka codsanaynaa in aad ka saartaan Website-yadiina Dacaayadda Raqiiska ah ee kooxdaa waji ku Macaashka ah, waxaan moodayay in waji ku macaashku Dalka uun ay joogaane dibadahana miyay ku dhasheen. Wabillaahi Tawfiiq Xoghayaha Saxaafadda ee Xisbiga UCID Md. Yuusuf Keyse Cabdillaah Related posts:Madxawayne Siilaanyo Oo ka Hadlay Mudoharaado Dhimasho Iyo Dhaawac Sobobay Oo Xalay Ka Dhacay Magaa... Shirkadda Al-Carabiya Ee Ay Dhawaan Wasiirada Duulista Iyo Ganacsigu Sheegeen In Ay Heshiis La Soo G... Daawo:Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Cadaystay Ololaha Qayru Sharciga ah Ee Komishanku Mamnuucay Iy... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|