WAJAALE NEWS

Dawladda Britain Oo Ka Digtay Halista Ka Dhalan Karta Awoodihii Iyo Waxyeelooyin-kii Budhcad Baddeeda Soomalidda Oo Mar Kale Dib U Soo Noqda

Kampala-(Wajaale News)- Dawladda Britain, ayaa ka digtay suurta-gal-nimaddakhatarahakadhalankara dhibaatooyinkii iyo awoodihii budhcad baddeeda Soomaalidda oo mar kale dib u soo noolaada, kaddib markii Jimcihii hore ee aynnu soo dhaafnay  biyahha badda ee bariga Afrika lagu weeraray Laba markab.

Labadan markab ayaa lagu soo waramayaa in kooxo budhcad baddeed Soomali ahi ay rasaas oodda kaga qaadeen iyaga oo maraayay masaafo Laba Boqol Iyo Soddon Kiilomitir u jirta biyaha badda ee dalka Soomaliya, labadaa markab ayaa lagu soo waramay in ay ka badbaadeen weerakaa ay budhcad baddeedu ku damacsanayd in ay ku qafaashaan..

Dhibaatooyinkii budhcad baddeeda Soomalida ayaa muddooyinkii u danbeeyay aad hoos ugu dhacay, kaddib markii si xawli ah loo
ballaadhiyay hawl-galaddii caalamiga ahaa ee la-dagaalanka budhcad baddeeda Soomaalidda.

Si kastaba ha ahaatee, Digniintan ka soo baxday dawladda dalka Britain ayaa ku soo beegmay ayaa imaanaysa xilli ay ciidamadda amaanka ee dalka Belgium ay isnniintii dhawayd ku qabteen garoonka diyaaradaha ee caasimadda dalkaa ee Brussels Mahammed Abdi Hassan (Afweyne) oo la sheegay in uu ahaan jiray hoggaamiyahii ugu caansanaa ee madaxda u ahaa kooxihi budhcad baddeeda Soomaalida..

 

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

 

Exit mobile version