WAJAALE NEWS

Somaali Ka Soo Carartay Dagaalada Ka Socda Koonfurta Suudaan Oo Gaadiidkoodii Lagagala Hadhay Xadka Koonfurta Suudaan Ay La Wadaagto Ethopia

suudaanSouth Sudan (Wajaale News):- In ka badan 40 qof oo Soomaali ah oo u badan dadka gaadiidlayda ah ayaa ku xaniban xuduuda dalalka Itoobiya iyo Koonfurta Sudan.

Dadkan oo u badan rag ayaa sheegay in gaadiidkoodii looga reebtey dhinaca gudaha Koonfurta Sudan oo loo diidey inay kala gudbaan xadka Itoobiya, inkastoo iyaga loo oggolaaday inay u gudbaan dhinaca Itoobiya.

Waxay sheegeen in lagala hadhay ilaa 24 babauur oo iskugu jira baabuurta waaweyn ee tareellayaasha  amaba isjiidka loo yaqaano iyo kuwa iska-rogada ah.dhacdan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay oo dhigeeda ah , mana jiraan ilaa hada wax dadaal ah oo dhanka xakuumada Somaaliya ah oo si dadyawgaasi gaadiidkooda loogu soo gudbiyo maadaama ay iyagu mulkiyadooda iska lahaayeen ayna haystaan cadaymo ku fulin lahaanshahooda , sidoo kalen waxaan ilaa hada la ogayn sababta rasmigaa ee koonfurta Suudaan ay uga lahadhay gaadiikii ay wateen.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version