lama soo koobi karo wax qabadkii shirkadda somtel ee sanadkii 2013 oo shirkaddu qayb libaax ka qaadatay Guud ahaanba arimaha bulshada sida Shaqo abuurka Dhalinyarada, Wax barashada, Caafimaadka
Hargeysa(Wajaale-News)-Xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb-galeen Wasiiro, Xildhibaano, Culimo
awdiin , dhalinyaro iyo masuuliyiin kale oo badan ayaa lagu qabtay hotel ambassador Ee Magalada Hargeysa taas oo Ururka dhalinyarada ee SODRA kusoo bandhigay Abaalmirino kala duwan kuwaas oo sida ay sheegeen ay sameeyeen Qiimayn iyo Cilmi baadhis ku saabsan sanadkii dhamaaday ee 2013 shirkadihii, ururadii iyo shaqsiyaadkii ugu waxqabadka badnaa xaga horumarinta bulshada taas oo ay shirkadahaisgaadhsiinta somaliland kazoo xusheen shirkaddi sanadkan ugu fiicnayd xaga adeega bulshada iyo waxqabadka bulshada taas oo ay doorteen inay ahayd shirkadda Somtel isla goobtaasna ay ku gudoon siiyeen Reward ama abaal marin .
Hadaba shirkadda Somtel ayaa abaalmarintan ku mutaysatay Kadib markii ay bulshada u muujisay wax qabad balaadhan oo aynu ka xusi karno sida Koobkii ciyaaraha Gobolada somaliland Ee 2013 oo Shirkadda Somtel maal galisya isla markaasna Adduunka oo dhan ugu gudbisay LIVE taas oo dhiri galin wayn u noqotay dhalinyarada somaliland ka dib markii Qoysaskoodii iyo dagmooyinkii ay ka yimaadeen iyo adduunka daafihiisa oo dhan ba Qoysaskoodi ka dawadeen dhalinyaradii oo si qurux badan u ciyaraysa taas oo keentay in dhalinyaradaas aduunka oo dhan looga soo hambalyeeyo sidii quruxda badnayd ee ay kubada u ciyaraayeen taasina waxay dhiiri galin wayn u noqotay inay dhalinyaradu xoog u xiisayso ciyaradaha somaliland si looga daawado shaashadaha TV?yada Afka Soomaliga ku hadla Taas oo shirkadda somtel addunka oo dhan looga soo hambalyeey la?aanteedna aanay ciyaaruhu xiiso badan yeesheen.
Sidoo kale shirkadda somtel sanadkii tagay waxa ay ka qayb-qaadatay Dib u habayn balaadhan oo ay ku samaysay dhamaanba laybareeriyada Jaamacadaha Gobolada Somaliland taas oo ay ku dhiirigalinaysay wax barashada iyo qiimaha ay u leedahay bulshada. Sidoo Kale shirkadda somtel oo ku caan ah Internet xawaarihiisu aad usareeyo waxa ay sanadkii tagay samaysay wax ku cusub taariikhda Soomaalida oo ahayd in Bishii barakaysnayd ee Ramadaanta ay Salaadii taraawiixda ee Masaajidada Rusheeye iyo Ali mataan Ee magalada Hargeysa ka dhigtay LIVE Oo adduunka oo dhan si toos ah looga daawanaayay laguna hambalyeey shirkadda somtel iyo horumarka ay waddo.
lama soo koobi karo wax qabadkii shirkadda somtel ee sanadkii 2013 oo shirkaddu qayb libaax ka qaadatay Guud ahaanba arimaha bulshada sida Shaqo abuurka Dhalinyarada, Wax barashada, Caafimaadka, Ciyaaraha, Dhaqanka , Waddoyinka iyo Guud ahaanba horumarka Somaliland.
Hadaba Ururka Dhalinyarada Ee SODRA Ayaa shirkadda Somtel Ku maamuusay Bilad sharaf taas oo shirkaddu ku Kasbatay Waxqabadka muuqada ee bulshada ay ku soo kordhisay .
WAJAALE NEWS DESK
HARGEISA OFFICE