HARGEISA WAJAALENEWS ;Mas’uuliyiinta ammaanka ee Masar ayaa sheegay in qarax weyn uu ka dhacay meel dibedda ka ah xarunta boliiska ee magaalada Qaahira.
TV-ga dowladda ayaa sheegay in rasaas la is weydaarsaday kaddib markii uu qarxay baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax
Waxaa jiro warar sheegaya in afar ruux ay dhinteen 51 kalena ay ku dhaacmeen, iyadoo qasaare uu soo gaaray dhismaha.
Shaqaalaha adeegga gurmadka ayaa la sheegayaa inay goobta yimaadeen.waxaana arintaa xaqiijiyay
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen qiiq ballaaran oo cirka isku shareeray.
Ilaa haatan lama oga waxa sababay qaraxaas.
Dalka Masar waxaa ka dhacay dhacdooyin ammaan darro ah tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweyihii ugu horrey ee si dimuquraadi ah loo soo doortay ee dalkaas, Maxamad Mursi
WAJAALENEWS DESK
EMAIL;wajalenews@gmail.com.