WAJAALE NEWS

Qaramada Midoobay Oo Niyad Jab Ku Tilmaamtay Go,Aankii Al Shabaab Ku Mamnuucday Internet-Ka

Nichlos KayMuqdisho(Wajaale News):-Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horeysay ka hadashay go,aanka ay Al Shabaab koonfurta Somalia kaga mamnuuceen isticmaalka adeega Mobile Internet iyo Viber Optic.

Nichlos Kay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia ayaa sheegay in ay tahay niyad jab aad u xun in koox gaar ah ay joojiso isticmaalka adeega internet-ka oo muhiim u ah qof walba oo Soomaali ah.

Kay ayaa go,aankii Al Shabab ku

qeexay mid ka soo horjeeda hormarka Somalia ay gaareyso xiligaan waxaana uu dhinacyada isku haya Somalia ugu baaqay in aan la cuuryaamin adeega aas aasiga ah ee bulshada.

Wuxuu arin wanaagsan ku tilmaamay in Somalia la keeno adeega Viber Optic Internet oo ah qadka ugu xawaaraha dheereya aduunka.

Bayaan kasoo baxay dhawaan Al-Shabaab ayaa loogu sheegay shirkadaha ku howlan adeega Internet mobile iyo Viber Optic in ay ku joojiyan 15 cisho.

Al Shabab ayaa ku sababeeyay go,aankooda in Internet mobile iyo Viber Optic ay sahlaayaan  jaajuusnimo iyo anshax daro.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version