WAJAALE NEWS

Madaxtooyada Waxa Fadhida Guurti Aan Shaarubo Lahayn Oo Aynaan Ogayn, Dalkana Ma Xukumi Karto”

HARGEISA WAJAALENEWS ;Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in wax uu ugu yeedhay guurti aan shaarubo lahayni ay dalka ka taliyaan, waxase uu sheegay inaanay dalka ka talin Karin ciddaas uu sheegay oo uu dalku gurmad u baahanyahay.

Md. Faysal, oo hadal ka jeediyay munaasibad uu xisbigiisu ku soo dhaweeyay taageerayaal badan oo ku soo biiray xisbiga, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Ayaamahanba dagaal ayaa nagu socday, haddii la yidhi waxa wax lagu helaa cayda Ucid iyo guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ciddii wax ku helaysaay waa kuu fasax caydayadu,waan ognahay dhaqaalihii ayaa xumaaday, dad daaro ayaa ka qabyo ah,qaar tagaasi ayay ku wadi jireen London oo ay ku daaleen haddii uu ka soo nasanaayo markaas oo uu caydayada wax ku helaayo,ha ku helo.”

Faysal, wuxuu hadalkiisa ku daray  “Somaliland waxa ay maanta u baahantahay talo,waxaanan doonaynaa taladaasi inay ka soo baxdo shirkaas wada tashiga qaran ee bisha tobankeeda bilaabmaya,Axmed Siilaanyo waxaan leeyahay haddii aad talinayso aniga wali shakibaa igaga jira inaad talinysee sidan qaranku ku socon maayo oo ictiraaf ku heli mayno, waa in uu is badal dawlada ka yimaada.kanbaniyadan dhulka boobaya waxaan u farayaa waxa la doonayaa in shantaas sanadood dhulka,macdanta iyo shidaalka ku jiraba in la iibsado, oo dilaaliin ay wada qaataan, oo hadhaw marka la ictiraafo Somaliland wax aynu yeelanaba la waayo,kanbaniyadaas waxaan leeyahay lacagtiina hayska khasaarinina heshiisyadaas wax ka jiraa ma jiraane.Somaliya maanta ma jirto oo dawlad aynu hadal la sii wadnaa meesha ma joogto, wada hadaladana laba qodab ayaynu ka soo helnay midi waxa weeyaan in aynu laba dal oo siman nahay iyo in aynu mucaawinadeedna toos u helno,labadaas qodab inaynu korino weeye,laakiin dawlad gobaleedkii Hawiyuu uu samynaayay in aynu wada hadal la sii wadnaa ma fiicna.Waxaan leeyahay Xasan Sheekhna Somaliland iyo Somaliya ma midayn karide Hawiye maamul u samee oo magaaladaada hagaajiso.”

Isagoo la hadlaya Madaxweynaha Puntland, wuxuu yidhi  “Puntland waad ogtihiin halka uu Cabdilaahi Yuusuf ka bilaabay 1998-dii,maanta waad aragteen Garowe siday noqotay,madaxweynii afraad ayaa la caleemo saarayaa, waa dad tashaday, laakiin waxa weeye madaxweynahan hadda qabsaday waxa uu ku galay ololaha Sool iyo Sanaag, waxaan leeyahay Cabdiwali Sool iyo Sanaag dadkii lahaaba leh ee waxa adiga lagaa rabaa sadexdii madaxweyne ee ka horeeyay waxii ay keeneen ee wanaag ah inaad wax ku dartid maahee inaad dagaal bilawdid oo wiil aanu ku dhalan ee uu ku dhinto maaha,anaguna waanu idiin sheegnay oo shaf la cuno ma lihin ee dhabar la cuno ayaanu leenahay, Cabdiwali waxaanu leenahay foodkii waad heshee caqli ku shaqee.”

Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday farriintan culus, “Madaxtooyada waxa fadhida guurti aan shaarubo lahayn oo aynaan ogayn,guurti aan shaarubo lahayn dalka ma xukumi karto,dalku gurmad ayuu u baahan yahay, in laysku yimaado ayaa loo baahan yahay oo shirkaas imika soo baxay ayaynu wax badan ku sixi doonaa,laakiin waa inaynu u midawnaa sidaynu cadawga isaga celin lahayn.”

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version