harheisa wajaalenews inta aan hadda ka xusuusto dhacdooyinkaa dhagareed. Bal tan ugu dambeysa soo qabo iyo Taksiyaasha Madaarka. Maamulaha Madaarka Harageysa oo HCTV ka hadlayay habeen dhaweyd
Durba miyaa illowdeen,
Diric iyo ninkii raga,
Doqon-dhaafintiisii?
Maalintii dadkaygow,
Daabicii dur laga dhigay,
Durna daabac loo rogay?
Maansadii Dir-sooc ee Ibraahin-gadhle, 6/4/1990kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa,
3/1/2014ka, Hargeysa,Diidmada Dadweynuhu waa digniin-horaad
Marka hore dhammaantiin iga guddooma saalaan kal iyo laab ah, aniga oo Ilaahay ka rajaynaya in uu gu?yaasha inoo kordhaya, inoogu daro garaad inoo kordha.
Maalmo ka fool adag ma aynu arag maalmahan ina dhaafay. Ilaah baa qaddaray oo waa run. Meesha se is-yeel-yeelkeennii iyo danaysigeennii kama madhnayn. Dhacdada aad aragtaaba, tii hore ka daran. Markaas ayaad soo xusuusanaysaa hees ay qaaddo Maryan Mursal Ciise Bootaan oo ay tidhaahdo: ?Anaa buuqa samaysta.? Xukuumaddeenna ayaa caynkaas oo kale ah. Bal hadda aan isku deyno in aan taxno dhacdooyinka dhagareed ee toddobaadyadan ugu dambeeyay dal iyo dadba lulay:
? Wargeyskii Hubaal inta ciidammo hubeysan galab Jimce ah lagu dalbaday ayaa quful lagu jebiyay, intii mas?uulka ka ahaydna dhuumasho ayay ku joogaan oo waa la raadinayaa. Hay?adihii waddaniga ahaa ee xuquuqal insaanka iyo intii Somaliland u ololaynaysayba waa ay qaylinayaan, qarannimadeenniina nusqaan weyn ayaa soo gaadhay,
? Berbera waxa laga muddaaharaaday Xaruntii Kalluumaysiga ee Net Fish oo la yidhi dad gaar aha oo ganacsato ah ayaa la siiyay,
? Muddaaharaad ballaadhan oo lagu dhintay, laguna dhaawacmay ayaa Burco ka dhacay sababna looga dhigay Taliyihii Qaybta Booliska, Ilka-case oo la beddelay,
? Waxa la isku qabsaday oo dhowr maalmood lagu hawlanaa sidii loo furdaamin lahaa xiisad xoog leh oo ka dhalatay tiyaatarkii Hargeysa oo waddadii ka horreysay la yidhi waxa la siiyay niman madax-dhaqameed ah oo ay daahyada dabadooda ka hagayeen niman kale oo lagu sheegayay Xildhibaanno ku mamay boobka hantida Qaranka,
? Waxa laga xanaaqsanaa oo hugun badani ka baxayay Maktabaddii Gaandi, Boostii hore iyo Maxkamaddii Qaaddiga ee Saldhigga Dhexe ku xigay oo la sheegay in ganacsato la siiyay,
? Booyadihii Hargeysa oo laba goobood lagu xereeyay iyaga oo ka muddaharaadayay cashuurta ay garowsan waayeen ee lagu soo rogay. Muddaharaad salmi ah oo san-qadh yaraa, saamayntiisuna badnayd ayay sameeyeen. Nimankaasi derbigii magaalada kala qaybin jiray ayay jebiyeen oo laba daamood uma ay kala fadhiisan bal se sidii ay isu raaci karayeen ayay isu qaybiyeen. Waxay isu kala saareen Bari iyo Galbeed, waa qaybin cusub oo hor leh oo ka qurux badan tii hore,
? Taksiilayaashii Madaarka Hargeysa ayaa iyaguna halkooda ku bannaan-baxay iyaga oo ka cabanayay in shirkad Taksiile ah oo la yidhi Madaarkii ayaa loo xidhay,
Waa inta aan hadda ka xusuusto dhacdooyinkaa dhagareed. Bal tan ugu dambeysa soo qabo iyo Taksiyaasha Madaarka. Maamulaha Madaarka Harageysa oo HCTV ka hadlayay habeen dhaweyd ayaa sheegay in aanay shirkad Taksiile ah u xidhin Madaarka, bal se ay shirkad Taksiile oo codsi u soo samaysay xafiis ka siiyeen Madaarka. Oo sabab dee? Madaarku miyaanu dadka ka dhexeyn? Sidee qaarna loo siiyaa, qaarna ay dibadda uga joogaan? Haddii shirkad ama qof ganacsato ah Madaarka xafiis laga siiyo, waa in muwaaddin kasta oo la mid ahna laga siiyaa. Taasi, wax suurtoobaya ma aha. Laakiin waxa suurtoobaysa in aan qof iyo shirkad midnaba meel laga siin oo loo sinnaado. Qof kasta iyo shirkad kasta oo ganacsi ku jirtaa meel ayay uga baahan tahay Madaarka. Ma sarriflaa, ma is-gaadhsiin baa, ma xawaaladlaa, ma bushaaraa, ma maktabad baa, ma dee wad uun ilaa halka ay ku joogsanayso.
Maxay macnaheedu tahay shirkad ama qof ayaanu xafiis ka siinnay intii kalena waa dibad-joog? Waxaad nala yaabtaan marka aanu leenahay: ?Xukuumaddani waa kacaan-u-eg.? Beryihii Askartii inqilaabku dalka maamuli jirtay ayaad warqad laguu qoray hodan ku noqon jirtay. Waa tii oo aan biyo is-marin oo weliba sawaaban..
Magaalada Hargeysa dhaqan aan cidina la wadaagin ayay ka lahayd Taksiyada. Tan iyo kontonnadii ayay Taksiyadu jireen. Hargeysi, ma yeelan Taksiyo qiimo go?an lagu raaco oo la yidhaahdo Dawladda Hoose ilaa Shacabka waa intaas, sida Muqdisho iyo Diri-dhabe ka dhici jirtay. Dhaqan Hargeysaawi ah ama Hereri ah ayay xagga macaamilka Taksiilayaasha magaalada Hargeysa ka lahayd. Taksiga waad fulaysaa adiga oo aan baayicin marka hore, marka aad ka degtana garasho ayaa wax lagu siin jiray. Dhaqanka iyo curfiga caynkaas ah ee ay Hargeysi lahaan jirtay, waxa la odhan jiray: ?Lababa waa halka ay iska heshaa.?
Taksiga Hargeysa maalmo ama toddobaadyo ayaa la wadan jiray, marka dambe ee aad wax heshana wax buuran ayaa Taksiilaha la siin jiray. Mararka qaarkood, waa Taksiba ma aad odhan jirin ee wuxu ahaa baabuur gaar ah oo aad leedahay oo kale. Maantana waxaanad garanayn ayaa meel walba saqaafaya oo socod-xumada dhinac walba kaa dhaafaya oo shilalkii cirka ku shareeray. Haa?wa run oo dhallinyaro badan shaqo waa loo abuuray.
Intaa aan xus iyo xusuusba uga dhigo Taksiilayaashii qiimaha lahaa ee Hargeysa. Sida aan ka soo xigtay abtigay Cabdi Xuseen Rooble oo liisanka qaatay 1959kii tan iyo maalintaana Taksiile ahaa, Taksiyadii la wadan jiray waxa ka mid ahaa: Opel, Vauxhall iyo mid la odhan jiray Standard Vanguard oo ciidammada laga iibsan jiray. Waxa kale oo jiray Taksiyo ?Shafar? ah (Chevrolet) oo Cadan laga keeni jiray. Lixdankii ka dib waxa Taksiyada ku soo kordhay Holden iyo Volga. Beri-samaad waa badnaa.
Dawladda iyo xukuumadduba haddii ay wax gaadhaan waa ay inaga dumayaan. Dadka iyo dalka ayay ka dumayaan. Kama dumayaan oo keliya dillaaliinta doonaysa in ay warqadaha loo qoray dhul iyo hantiba ku boobaan. Horena waan idiin ku sheegay, dhacdooyinkani in aanay ahayn dhaqankii lagu yaqaannay Madaxweynaha, bal se wax kasta oo dhacaaba isaga ayay ku qoran yihiin, waxaana ceebtaa u soo jiiday oo baday inta ku xeersan ee Madaxweyne, dal iyo dad midnaba aan danta ka lahayn ee dalqada wax ka arkaysa.
Timacadde ayaa laga hayaa: ?Dab hadduu bakhtiyo meel kalaa, dogob ka qiiqaa.? Dababka baxaya ee aan kor idiin ku soo taxay qaar iska shidmay ma aha. Xukuumaddeennu iyada oo dab ku baxayo ayaa mid kale oo baas oo xil baas u hayaa hunguri awgii dab kale meel kale kaga shidayaa. Iyadii ayaan isu tudhayn. Ma maqli jirteen: ?Is-ma og udbihii bay aslaysaa.?
Suugaan dambe loo tirin maayo, tii hore ayaa loo baadh-baadhayaa. Maantana waa tan maansadii Deelleeyda ee Hadraawi ee Daahyaley, waxaana ka mid ahaa tuducyada:
Diricaasi waa kuma,
Dawdar weeye shalay jiray,
Durba saw kan jeedladay,
Dhistay aqallo waaweyn,
Tolow duubka yaw xidhay?
Had muu tobanka doonyood,
Dekedaha ka soo rogay?
Had muu dunida gaarkeed,
Intuu daawashaw tegay,
Demesh iyo wixii yiil,
Sida daad u soo rogay,
Kaftankaas dareenka leh,
Dan-yartaa ku heestee,
Dadka ma anigaa baray,
Derejeda hummaagga ah,
Magacyada dul-saarka ah,
Dorraad soo gadaal-baxay,
Maxaa laygu digayaa!
Waa mid ka mid ah heesihii loo tirin jiray intii ku taajiri jirtay ama ku tanaadi jirtay boobka hantida ummadda ee waraaqaha loogu qori jiray sida maanta xukuumaddeenna dhaqanka iyo caadadaba u noqotay. Salaamaad.
Dhammaad. Waa inoo Khamiista dambe haddii Eebbe idmo iyo qormo kale oo xiiso leh