Laacdanka Siyaasiyiinta xiligan ee gobolka iyo colaada makarafoonka + muuqashada camarada in ay sobob u noqotay faraaruqyo riiq ku reeba bulshada gobolka?
GABILEY(W,N) Tan iyo Maalintii Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo hoos u dhigtay Da”ada Dhalinyaradu Saaxada Siyaasada kaga qayb qaadan karto, waxay shacabka Somaliland soo dhaweeyeen ka qayb galka Saaxada Siyaasada ee hoos loo dhigay,waxaanay Bulshada S/land ka rajaynayeen in dalka ku soo kordhin doonaan dhiig cusub iyo aragti ka duwan raadkii siyaasiyiintii hore ee dalka soo maray.
Balse Arimaha soo Baxay Amaba markii gacanta loo galiyay Maamulkii Dawlada Dhalinyaro,waxaa dibada u soo baxday in aanay lahayn Waayo Aragnimo dhinaca maamulka oo Xillalka ku Culus ee tunka loo saaray guul ka soo hoyn karin,waxaana maalinba maalinta ka dambaysa isasoo taraya Gafka iyo Meel ka dhacyada ay u gaysanayaan Bulshada ay xukumaan iyo Masuuliyiin aad uga Da”a wayn,
Iyadoo Mudada Siyaasiyiinta Socod Baradka ah ay Awoodii Maamulka Dawlada gacanta ku dhigeen, Saaxada Siyaasada lagu arko Dhacdooyin ugub ku ah oo hore loogu arki jirin Saaxada Maamulka ,waxaana Tusaale loo soo qaadan karaa Wasiirka Warshadaha Shucayb Maxamad Muuse iyo Maayarka Gabiley Maxamad Amiin Cumar Cabdi,iyadoo Calaamadaha Masuuliyiinta Dhalinyarada ah lagu arkayo Kooxaysi Iyagoo isu diyaarinaya in Mustaqbalka dhaw iyo ka fog ay Saaxada Siyaasada iyo Maamulka Dawlada ah gacanta ku dhigaan, qof aanay doonayna soo galin kana muuqan,waxaase iswaydiin mudan ma u suurto gali doontaa Siyaasiyiinta Socod Baradka ah ee Damaca Kursi Jacaylku madax maray Hadafkoodani ? Mise waxuu noqon doonaa Maah-maahda Soomaaliyeed ee tidhaa ( Geel caruuri qaaday ma dheera)
Hadii aan u soo noqdo Dulucda Faaladayda,waxaa mudada Ololaha Doorashada Madaxtooyada Xisbiga Kulmiye ka socday Magaalada Gabiley,Garab socday Dhoolo tusyada Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Khilaafyo Cakiran Siyaasiyiinta Socod Baradka ah ay ku muujinayeen awooda ay ku leeyihiin guud ahaan gobolka gabiley.
Inkasta oo isku soo baxayadan ay sameeyeen bulshada Gabiley ay dibada u soo saaray Hirdanka iyo kala qoqobka shacabka Gobolka Gabiley ay ka bilaabeen xubnaha xiligan hormuudka ka ah amaba haya xilalka xukuumada mid ilaa maamulka Gobolka oo dhamaantood ka soo jeeda deegaanka.
Talaabooyinka iyo ficilada ay isku garbinayaan xubnahani ayaa noqday mid laga dheehan karo muuqaalo kala duwan oo Dadka Arimaha Siyaasada u kuur galaa ay ku Tilmaameen mid keeni karta kala fogaanshaha bulshada wada dagan gobolka taasi oo sobob u noqonaysa in ay lumiso Taageerayaal badan oo ka dareeraan Xisbiga Kulmiye isla-markaana Sabobta in Murashaxa Madaxwaynaha Muj Muuse Biixi Cabdi uu ku Guul daraysto Tartanka Doorashada Madaxtooyada .
Siyaasiyiinta socod baradka ee xiligan ku lagdamaya masiirka Bulshada Gabailey,ayaa qayb ka ah hirdanka Maayarka Dagmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo laga dheehan karo Ficilada uu kula kacayo masuuliyiinta dhigiisa Amaba ka ka waayo aragsan,halka uu isku arko Hogaamiyaha Siyaasiyiinta Socod Baradka ah ee Gobolka taasi habeen iyo maalin keentay in uu ku dagaalamo ka hadalka munaasibadaha Gudaha Gabiley iyo garbin qurba jooga xiligan dalka u yimid sidii xisbiga kulmiye guul uga soo hoyn lahaa doorashada Madaxtooyada.
Isagoo sida ka muuqata Go”aansaday in uu Saaxada Siyaasada ka ilaaliyo Siyaasiyiinta ay isku Xisbiga Kulmiye yihiin ee uga soo horeeyay Saaxada Siyaasada, oo dhamaantood ah Masuuliyiin Xilall ka soo qabtay ah hirdanka foosha xun ee ka dhexeeya Siyaasiyiinta socod baradka waxaan ka maqnayn Wasiirka Gobolka u matala xukuumada dhexe Shucayb Maxamed Muuse oo isna dhinaciisa qayb ka ah hirdanka siyaasiyiinta socod baradka ah.
Inkasta oo Wasiirka Warshadahu mudooyinka aanu aad uga muuqan Ololahan Xisbiga Kulmiye ee loo agaasimay habka Qabiilka iyo tartanka Reeraha oo iyagu noqday mid ay ka muuqato kala horarsi,
Hirdanka Siyaasiyiinta Socod Baradka ah ee xiligan isku helay saaxada Gabiley ayaa dhanka kale sobobay in magaalada Tog Wajaale bulshada wada taageerta xisbiga kulmiye ay isku soo baxyadoodii ugu danbeeyay kala samaystaan Laba khayriyo isla Gudaha Magaalada Tog Wajaale taasi oo loo aanaynayo in ay keentay hirdan xubnahan Siyaaada Gobolka oo ku hirdamaya ay ku lamaan yihiin Qurba-joog faro badan oo xiligan ku sugan Gobolka Gabiley oo xilall ka haya xisbiga Kulmiye qaarkoodna can ku nqodeen hurinta khilaafka reeraha .
Iyadoo indheer garadka arimaha Siyaasada u kuur galaa u arkaan hadii Khilaafka cakiran ee uu Hogaaminayo Maayarka Gabiley Maxamad Amiin uu Sabobay in Siyaasiyiin ka waayo Aragsan, ee ka Aqoonta Badan in Aanay ka hadal Fagaaraha Khayriyada Gabiley.
Isagoo Maayarka Gabiley Maxamad Amiin in ay la wadaagaan ku koobay ka hadalka Fagaaraha Khayriyada Gabiley, Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye ee aan u dhalan Deegaanka G/Gabiley,waxaana Maalmahan u dambeeyay laga dareemayaa Magaalada Gabiley in Siyaasiyiin iyo Masuuliyiin Xisbiga Kulmiye u qaabilsan Ololaha Doorashada Madaxtooyada ee G/Gabiley ay bilaabeen Guux faro badan isla-markaana la filayo in ay iska Casilaan Xilallka loo soo magacaabay ee Ololaha Doorashada Madaxtooyada,waxaana dhacda in Maalin kasta oo Ololaha Doorashada Madaxtooyada Xisbiga Kulmiye uu ka cadhoodo Masuul ka mida Xisbiga Kulmiye.
Si kastaba ha ahaatee waxay Dadka Arimaha Siyaasada u kuur gala ayaa Saadaalinyo in Maalmaha soo socda la arki doono Siyaasiyiin Miisaan culus ku leh G/gabiley oo u digo rogtay Xisbiga Wadani iyagoo wata Taageerayaal Faro badan oo saboba jawi ka duwan kan maanta Bulshada G/Gabiley loo tiranayo in Xisbiga Kulmiye Taageerayaal faro badan ku leeyahay G/Gabiley.
WAJAALENEWS DESK
GABILEY OFFICE