WAJAALE NEWS

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Walaac ka muujiyey Wada Hadalka Labada Dal

Hargeysa(Wajaalenws)Wasiirka Wasaaradda madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka mid ah Weftiga wada hadalka Somalia iyo Somalilang uga qayb galaya Somaliand, haatana ku sugan Dalka Turkiga ayaa sheegay in 7-dii kulan ee hore ee Somaliland iyo Somalia yeesheen lagu kala saxeexday qodobo balse aan mid kaliyi ka fulin,sidaas darteedna aanay suuro gal ahayn inay sii socdaan Wada hadalku.

Wasiirka ayaa qoraal uu arrintan kaga hadlay oo uu Boggiisa Facebook ku baahiyay isagoo Turkiga jooga waxa uu ku yidhi:-

Waxaanu nabadqab ku gaadhnay dalka turkiga, run ahaantii si fiican ayay dawlada turkigu noosoo dhawaysay oo noo qaabishay, qoladii kale ee Wada hadaladu inaga dhexeeyeen ee Somalia waxaa la filayaa inay yimaadaan galabta insha allaahu.

Waa kulankii 8aad ee aynu isasoo hor fadhiisano dawlada Somaliland iyo Somalia, shan kulan oo ka dhacay dalkan Turkey iyo sadex kale oo ka dhacay Dalalka UK, UAE, Djibouti. Inkastoo aan weli lagu degin halkii loo baahnaa oo ah in rabitaanka bulshada Somaliland la ixtiraamo lana sameeyo qorshe lagu kala gurto, Dhamaantood waxaa kasoo baxayay waxyaalo lagu kala saxeexday oo aan fulin sida Hawada in la keeno Hargeisa maamulkeeda/hagisteeda maaliyadeedana si siman loo qaybsado, in ay aqbaleen xasuuqii ku dhacay nulshada reer Somalialnd, in aan arimaha Horumarka la carqaldayn/la siyaasadayn iyo in la hawlgeliyo khubaro farsamo yaqaaniin ku ah wada hadalada.

Waxaa walaac badan iyo werwer iiga muuqdaan sii socodka wadahadalada hadii aan la tixgelin wixii lagu heshiiyay, xaqiiqaduna waxay tahay kulankii ugu danbeeyey ee Djibouti ay ku kulmeen labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia waxay ku kala saxeexdeen qodob muhiim ah oo odhanyey in arimaha masiiriga ah hoos loogu dego kaasoo aanu rajaynayno in qolada Somalia ay garwaaqsandoonaan madaxbaanida iyo qaranimada Somaliland iyo sidoo kale inay ixtiraamaan wixii lagu heshiiyay.

Exit mobile version