WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland Oo Sii Daysay Afar Wariye Oo U Xidhnaa,Xidhayna Afar Wariye Oo Kale.

wariyaalHargeisa(Wajaale News):-Xukuumada Somaliland ayaa baryahan caadaysatay in ay xadhig kala duwan oo sharci daro ah ku samayso warbaahinta madaxa banana taasi , manta ayaa waxaa la sii daayey Affar wariye oo kale oo ay xukuumadu xidhay ka dib damin lagu soo daayey .

Ayaa wararku waxay sheegayaan in 4 wariye oo kale in lagu xidhay degmada dacar budhuq oo ay war ka soo duubayeen, Dad Cabanayey oo ku sugan Degmada Dacar Budhuq, kuwaasi oo markii ay ka soo baxeen degmada Dacar Budhuq ee ay soo Dhameeyeen Hawlihii Shaqo ee ay Hargeisa u soo Dhawaadeen ayaa waxaa ka daba yimid Gudoomiyaha Degmada Dacar Budhuq iyo Ciidan uu Wato oo Halkaasi ka Celiyeen.

wariyayaashan la xidhay ayaa u kala shaqaynayey telefishanada universal,RoyalTv iyo Bulsho tv, Arinta Cajiibka ah ayaa noqonaysa in ay ku jiraan wariyayaal u kala shaqeeya telefishanii manta la soo daayey hadana qaar kale lagu badalay, wariyayaashan la xidhxidhay oo magacyadoodu kala yihiiin 1c/RASHIID C/WAHAAB universal Tv Reporter, Cali Dheere Universal Sawirqaade, Faysal Fifa BulshoTv iyo Nagiib C/laahi Colaad Bulsho Tv,
la soco wixii warar ah ee ka soo kordha xadhiga wariyayaashan lagu xidhay degmada dacar budhuq Shabakada ee wajaalenews.com

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenewa.com

Exit mobile version