WAJAALE NEWS

Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari Oo Fariin Culus Udiray Masuuliyiin Xisbiyada Mucaaridka ah Oo Si Qabyaaladaysan Uga Dareen Celiyay Hadalkii Madaxwayne Biixi Ka Yidhi Degmada Agabar

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi rashiid Jaamac Dhari (sheekhul axmar) Oo katirsan masuuliyinta sar sare ee xisbiga wadani ayaa ka dareen celiyay hadalkii madaxwayne biixi kazoo yeedhay markii kazoo noqday safarkii jabuuti ee uu marayay degmada Agabar ee gobolka gabiley kaasi oo jawaabo kala duwan ay ka bixiyeen masuuliyiinta katirsan xisbiyada mucaaridka oo uu sheegay in ay iyaguna marin habaabiyeen una dhigeen qaab reeraysan.

Sidoo kale siyaasi rashiid ayaa hadal madaxwaynaha ku tilmaamay mid ka hoosay islamarkaana aanay jirin sobob uu xiligan sidaasi ugu hadlo,

Dhanka kale siyaasi rashiid jaamac dhari ayaa masuuliyiin xisbiga mucaaridka oo arintan ka hadlay ugu baaqay in aanay reerayn hadalka madaxwaynaha cidii tartantayna ay xisbiyo ahaayeen balse aan bulshada lagu kala dhex dhigin hadalo naxli abuuraya.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version