WAJAALE NEWS

Xisbiga Mucaaradka ah Ee Ucid Oo Xubinimadii Ka Qaaday Axmed Aden Keyse Oo Hore U Ahaan Jirey Xoghayihii Guud Ee Xisbiga

Hargeisa(wajaalenews)  Axmed Keyse Oo Mudooyinkan Danbe Ku Kacayey Talaabooyin Ka Dhan Ah Xisbiga Ucid,Maalmahan U Danbeeyeyna Si Is Daba Joog Ah Ugu Kacayey Falal Xad Gudub Ku Ah Xeerarka Iyo Nidaamka Xisbiga Ucid

War Saxaafadeed

Ujeedo/XUBIN KA QAADID XISBIGA UCID

 

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ucid Waxaa Maanta Oo Taariikhdu Tahey 21/12/2013 Shir Ay Isugu Yimaadeen Gudida Fulinta Iyo Xubno Ka Mid Gudida Anshax Marinta Xisbiga Ucid


Warbixin Dheer Iyo Dood Gaaban Ka Dib Waxa ay Xubinimadii Ka Qaadeen Axmed Aden Keyse Oo Hore U Ahaan Jirey Xoghayihii Guud Ee Xisbiga Balse Dhawaan Iska Casiley,Lagana Aqbaley 

Axmed Keyse Oo Mudooyinkan Danbe Ku Kacayey Talaabooyin Ka Dhan Ah Xisbiga Ucid,Maalmahan U Danbeeyeyna Si Is Daba Joog Ah Ugu Kacayey Falal Xad Gudub Ku Ah Xeerarka Iyo Nidaamka Xisbiga Ucid

Hadaba waxa Uu  Axmed Keyse  si cad oo  badheedh ah u jebiyey xeer hoosaadka xisbiga

UCID Qodobadaas Oo Kala Ah:-

,Qodobka 7 aad,Farqadiisa,1,2,4,8  ——– Qodobka 8 aad Farqadiisa 3aad

Qodobka 35aad Farqadiisa 1 aad Xarfihiisa a,b,c

Sidaa awgeed Waxaanu Warbaahinta La SocodSiineynaa In Aanu Sheegan Karin Xisbiga Ucid Isla Markaana Aanu Matali Karin Xisbiga Ucid

Cida Ku Qaabishana Xisbiga Ucid U Aqoonsan doono Cid Qawaaniinta Iyo Shuruucda Xisbiga Ucid Ku Gaftey

Ugu Danbeyntii Xisbiga Ucid Isaga Oo Ixtiraama Weyn U Haya Ninkaa Odeyga Ah Waxaa Uu Ku Waaninayaa In Aanu Sheegan Karin Xisbiga Ucid

 

 

 

Ku Xigeenka Xoghayaha Arimaha Gudaha Xisbiga Ucid

Md: Xuseen Xasan Badmaax

Exit mobile version