WAJAALE NEWS

Wasaarada Hawlaha Guud Oo Hargaysa Ku Qabatay Kulan Lagu Gorfaynayo Siyaasada Wasaaradaasi Ee Sannadka Danbe.

Hargeysa (WJN):- Kulankan Ayaa Waxa Ka Soo Qayb Galay Wasiirada Wasaaraha Beeraha, Deegaanka Iyo Xubno Kale.

Hargeysa (Wajaale-News):- Kulankan Ayaa Waxa Ka Soo Qayb Galay Wasiirada Wasaaraha Beeraha, Deegaanka, Wasiir Ku Xigeenada Wasaaradaha Caafimaadka Iyo Hawlaha Guud, Iyo Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha Boosaha Iyo Isgaadhsiinta, Biyaha, Hawlaha Guud Isuduwayaasha Gobolada Ee Wasaaradaasi Iyo Hay?adaha Wadashaqaynta La Leh Wasaaradaasi. 

Wasiirka Wasaarada Beeraha Ee Somaliland Pro. Faaraxa Cilmi Maxamuud (Geedoole) Oo Kulankaasi Ka Hadlay Ayaa Ka Waramay Sida Ay Muhiimka U Tahay In Lakala Xadeeyo Dhulka Beeraha Ah Iyo Iyo Dhulka Magaalooyinka Loo Qorsheeyey.

 

Wasiirka Wasaarada Deegaanka Shukri X. Ismaaciil Bandare Oo Iyadna Madsha Kulankaasi Ka Hadashay Ayaa Sheegtay In Wasaarad Ahaan Ay Soo Dhawaynayaan Dardargelinta Waxka Qabashada Arimaha Dhulka Oo Ay Sheegtay Inay Dhibaato Kala Kulmaan Shaqaalaha Wasaarada Deegaanku, Waxana Ay Intaasi Ku Dartay In Dadka Qaar Ay Seerayaal Sharci Daro Ah Samaystaan Taas Oo Abuurta In Dadka Deegaankaasi Degan Ay Isku Khilaafaan.

Waiirku Xigeenada Wasaaradaha Hawlaha Guud Iyo Caafimaadka Cali Cabdi Saa?iq Iyo Nimco Xuseen Qawdhan Ayaa Oo Kulankaasi Hadal Ka Jeediyey Ayaa Ka Waramay Dhibaatada Shilalka Gaadiidku Ku Hayaan Bulshada Iyo Sida Loogu Baahan Yahay In Wadayaasha Gaadiidka Caafimaadkooda La Hubiyo Inta Aanay Liisanka Wadida Gaadiidka Qaadanin Isaga Oo Wasiirku Xigeenaka Wasaarada Hawlaha Guudna Sheegay In Sanadka Soo Socda La Mamnuuci Doono Soo Dejinta Gaadiidka Bidixda Ku Leh Albaabada Gaar Ahaana Basaska Mulkiilayaasha Basaskana Ugu Baaqay Iany Ka Badalaan Albaabka Dhinaca Bidix Inta Ka Horaysa Sanadka Soo Socda. 

Agaasimaha Wasaarada Hawlaha Guud Mukhtaar Maxamed Cali Oo Isaguna Madashaasi Ka Hadlaya Ayaa Ka Waramay Meelaha Ay Sanadka Soo Socda Diirada Saarayaan Isaga Oo Tilmaamy In Kaabayaasha Bulshada, Dayactirka Iyo Ilaalinta Hantida Dawlada Iyo Wax Ka Qabashada Arimaha Dhulku Ay Noqon Doonaan Meelaha Ay Awooda Saari Doonto Wasaarada Hawlaha Guud. 

Agaasimaha Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Iyo Agaasimaha Wasaarada Biyaha Ayaa Sheegay Inay Wasaarada Hawlaha Guud Kala Shaqayn Doonaan Fulinta Qorshayaashaasi Wixii Ay Uga Baahdaan. 

Kulankan Ayaa Sida Ay Masuuliyiinta Wasaaradaasi Sheegeen Laga Soo Saari Doonaa Siyaasad Cad Oo La Raaco Sanadka Inagu Soo Aadan.

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version