WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha!

Hargeysa-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan ballaadhan oo uu goobjoog ka ahaa gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu  qasriga Madaxtooyada kula qaatay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha  ee dalka.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd is xog-waraysi la xidhiidha hawlaha baaxadda leh ee ay agaasimeyaashu Qaranka u hayaan iyo sii  dardargelinta shaqooyinka agaasimeyaasha guud, waxaana kulanka diiradda lagu saaray sidii loo sii laban-laabi lahaa hawlaha muhiimka ah ee ay agaasimeyaasha guud qaranka iyo bulshadaba u hayaan.

Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu agaasimeyaasha guud ku bogaadiyey hawlaha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan iyo sida ay u yihiin mishiinka dhaqaajiya dhammaanba hawlaha ka dhex socda hay’adaha ay masuuliyiintani ka socdaan.

Exit mobile version