Hargeisa -(WJN)-Sidaana waxa ku sheegay Shir Jaraa´id oo uu Raysal Wasaare Saacid goor dhawayd Ku qabtay xafiiskiisa
Shirkan Jaraa´id ee uu goorta dhawayd xafiiskiisa ku qabtay Raysal Wasaare Saacid, ayaa ka danbeeyay go?aankii ay xildhibaanadda baarlamaanka Soomaaliya ay u codeeyeen ee ay kaga mamnuuceen raysal wasaaraha in uu hor yimaado
baarlamaanka oo hada ka doodaya kalsooni kala noqoshada xukuumadda raysal wasaare saacid, waxaanu yidhi Raysal Wasaare Saacid.
“Eedaymaha mooshinkn ka dhanka ah xukuumadda aan raysal wasaaraha ka ahay ee lagu dhudhuminayo kalsoonida xukuumadda, ma aha kuwo xaqiiqda dhabtaa ku salaysan, waana mid ay ka madhan tahay xog-ogaalnimadii rasmiga ahayd, sidaa awgeed si waafaqsan cadaaladda dabiiciga ah (Natural Justice) iyo shuruucda wadankaba, waxay xukuumaddu diyaarisay qoraal waafi ah ee ay uga jawaabayso dhamaan eedaymaha loo soo jeediyay, oo keeni kara qaneecaad iyo kalsooni dhisid buuxda”.
Wax kale oo yidhi Raysal Wasaaruhu isaga oo codsi u sitraya baarlamaanka
“Xukuumad ahaan waxaan golaha baarlamaanka ee sharafta leh mar labaad ka codsanaynaa in naloo ogolaado fursad nalagu dhagaysto si aan isaga difaacno eedaymaha naloo soo jeediyay”
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod ay qaadeen gaashaanka ku dhuftay in Raysal Wasaarahu uu hor yimaado baarlamaanka oo ka doodaya mooshin issaga ka dhan ah, halka qaar kale oo tirsan xildhibaanadu ay shrci daro ku tilmaameen in raysal wasaaraha loo diido in uu iska difaaco eeedaymahan loo soo jeediyay, waxaanay Xildhibaanaddani ku doodeen in mooshinkan kalsoonida lagala noqonayo Raysal Wasaaraha Soomaliya, waxaanay ku sheegeen in aanu mooshankani ahayn mid ka soo go?ay xildhibaanadda, balse uu yahay sida ay sheegeen mid si gaar loo soo abaabulay oo uu ka danbeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
WAJAALE NEWS DESK
HARGEISA OFFICE