Hargeysa (WJN)– Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in Guddoomiyaha xisbiga WADDANI uu madmadow gelinayo doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka ee dalka, waxaanu caddeeyey in labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ay xaq u leeyihiin inay galaan doorashadda haddii uu diido xisbiga WADDANI.
Sidoo kale Wasiir Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiigleyaashii dilay labadaas sarkaal, waxaanu intaas ku daray in maxkamad la soo taagi doono.
Wasiirka Warfaafintu wuxuu ku dooday in Guddoomiyaha xisbiga WADDANI uu doonayo inuu madmadow geliyo masiirka dalka, isla markaana uu hor istaago inay dalka ka qabsoonto doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Wajaalenews Desk
Hargeysa Office