|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Warfaafinta Jsl Oo Ka Hadlay Falkii Lagu Dilay Labada Sarkaal, Kana Jawaabay Eedo Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ujeediyay Xukuumada,
April 30, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)– Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in Guddoomiyaha xisbiga WADDANI uu madmadow gelinayo doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka ee dalka, waxaanu caddeeyey in labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ay xaq u leeyihiin inay galaan doorashadda haddii uu diido xisbiga WADDANI. Sidoo kale Wasiir Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiigleyaashii dilay labadaas sarkaal, waxaanu intaas ku daray in maxkamad la soo taagi doono. Wasiirka Warfaafintu wuxuu ku dooday in Guddoomiyaha xisbiga WADDANI uu doonayo inuu madmadow geliyo masiirka dalka, isla markaana uu hor istaago inay dalka ka qabsoonto doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Wajaalenews Desk Hargeysa Office Related posts:Xildhibaan Katirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Talooyin Muhiim Ah Usoo Jeediyay Hogaanka Xisbiga Wa... Daawo:Wasiirka Wasaarada Warshadaha Oo Ka Difaacay Madaxweyne Silaanyo Eedaymo uu U Soo Jeediyay Was... Mawqifka Somaliland Ka Qaadatay Dagaalka Itoobiya, Ma Wuxuu Tilmaan U Yahay Heerka Xidhiidhka Addis ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|