Markay Taariikhdu ahayd 13/03/2013 waxaa Magaalada Burco ka dhacay Dagaal ay Beesha Galbeedku kusoo qaaday Beesha Bariga Buco ayadoo uu joogo Wasiirkii Amniga JSL Maxamed Nuur Caraale Duur, Weerarkaas Waxaa ku burburay Hanti farabadan, Dadweyne Mawaadiniin ah oo aan waxba geysan waa lagu laayey, waxaa la boobay Hanti dadweyne waxaana la burburiyey Gaadiid, Hudheelo Goobo Ganacsi IWM.
Dhacdii labaad waxaa ay dhacday 22/12/2013 waxaana markaas uu joogay Magaalada Burco Wasiirka Xanaanada Xoolaha JSL Cabdi Aw Daahir markaas waxaa dhacday khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh waxaana la Burburiyey hanti farabadan oo ay ku jiraan hantiyo ay leeyihiin Ganacsato waa weyn oo somaliland ah, wixii ka dhacay burco muu ahayn mudaharaad ee waxaa uu ahaa fawdo iyo fidmo ay soo maleegeen beesha galbeedka burco , waayo Xafiisyada Dawlada cidi uma tegin wuxuu ahaa weerar beesha bariga burco lagu soo qaaday oo badheedh ah.
Waxana cad in Rabshadahaasi iyo weeraradaasi lagu beego marka ay joogaan Wasiirada beesha Galbeebka burco joogaan burco, waxaana la arkayaa oo la ogyahay in weeraradaasi gardadara ah ay ka midaysan yihiin dhamaan madax iyo minjaba oo kuwada socdaan, waxaana taasi cadaynaaya oo marag u ah in maalin walba lagu soo duulaayo hantida beesha bariga burco hadii ay dawlad ku mudaharaadayaan maxay Xafiisyada Dawlada iyo Maamulka Gobolka u tagi waayeen ??
Waxaanu ognahay inay Rabshadaasi ku wada socdaan beesha galbeedka burco se ay tahay cida keliya ee loo xilk saaraa ninka la yidhaahdo guuleed iyo dayr xiniinyo dheere oo labaduba ay yihiin kuwa ugu faca weyn abaabulka rabshadahaasi waana arin talo ah oo lawada go,aamiyey Waxaanu leenahay anagoo kamida Odayaasha Beesah Bariga Burco oo faraynaa dhigayaga maanta wixii ka danbeeya waa Colaad ama waa nabad waarta wax ka dhaxeeyaa ma jiro, Dil iyo dhac maalinkasta jooga wax sidaa ahaan karaa ma jiraan waa in labadaa miduun looga gudbaa.
Wa bilaahi Tawfiiq.
Qoraalkan waxaa Warbaahinta u Gudbiyey
1. Oday Ibraahim Faarax Cawed (Feedhayare)
2. ODay Maxamed Faarax Cadi (Waraabe)