WAJAALE NEWS

Maxkamada Sare Oo Warqad Lagu Hakinayo U Gudbisay Golaha Wakiiladda Iyo Gudomiye Cabdidraxmaan Ciro Oo Digniin Ugu Jawaabay Cidii Ka Dambaysay Warqada Maxkamadda.

Hargeysa(Wajaale News):-Maxkamda Sare ayaa saaka warqad lagu hakinayo kalfadhiyada Golaha wakiiladda oo uu muran adagi ka dhex taaganyahay shirkgudoonka Golaha,Kalfadhiga Golaha saaka oo si rasmiya u furmay ayaa waxa shirgudoominayey Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cabdiraxman Ciro) balse Golaha oo badhtamaha kaga jira hawl-maalmeedkoodii ayaa waxa la soo hordhigay Gudoomiyaha Golaha  warqad ka soo baxday maxkamadda Sare oo lagu hakinayo,fadhiyada iyo Go`aamo isbad joog ah oo ay shalay Goluhu Gaadheen.

Markii ay Soo Gaadhay Warqadaasi Gudoomiyaha maa uu dheg jalaq u siin fariinta ay warqadaasi xambaarsanay,isla markaana waxa ay Goluhu iska sii wateen shaqadoodii,ayadoo uu Gudoomiyuhu Gaba-gabadii Golaha u sheegay in uu hayo warqad ka soo gaadhay maxkamada sare oo lagu hakinayo kalfadhiyada Golaha taasi oo uu ugu jawaabay digniin isla markaana waxa uu sheegay in aanay jirin cid is hortaagi karta cod ay gaadheen Golaha wakiiladda oo ah Golihii sharci dajinta,waxa uu Gudoomiyuhu intaasi raaciyey in ay ka waantoobaan dadka  arrinta dabada ka soo riixaya oo u muuqata in uu ula jeedo madaxtooyada Somaliland.

Fadhigan maanta ee Golaha waxa maalintii labaad aan soo xaadirin labadii Gudoomiye ku xigeen oo ay madaxtooyada ka irdhaysay Golohoodii,in kasta oo uu maanta Joogay xarunta Golaha Gudoomiye Ku Xigeenka labaad Dr Cali yuusuf hadana ka muusoo bixin xafiiskiisa Gaarka ah oo uu hoosta ka soo xidhay.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version