WAJAALE NEWS

Dhalinyaro Loo Xidhxidhay Isku Dhac Sababay Qasaare Baahsan Oo Xalay Ka Dhacay Gudaha Boorama.

boorama policeBorama(Wajaale News)Ciidamada Booliska ee Boorama ayaa soo xidhxidhay ku dhawaad labaatan dhalin yaro ah oo lagu tunsan yahay inay qayb ka qaateen gadood balaadhan oo habeenimadii xalay ka dhacay xaafadaha agagaarka dhigta Boorama, kaasi oo gaystay qasaare baahsan oo dhaawacyo iyo burbur hantiyeedba isugu jira.

Ilo xog ogaal ah oo ka ag dhow laamaha Amniga oo ay shabakadu la xidhiidhay ayaa uga waramay sida ay wax u dhaceen waxana ay tilmaameen in isku dhacan uu bilaabmay saacadu

markii ay ahayd 9kii fiidnimo ee xalay isla markaana uu markii hore salka ku hayay isku dhac laba kooxood oo dhalinyaro ah oo ka kala tirsanaa xaafadaha Daamurka iyo Jarka ee magaalada Boorama.
Ilo wareedyadu waxa ay intaasi ku dareen in arintu ay markii dambe sii xumaatay waxana ay tibaaxeen xaalku sida uu isku bedelay ?Isku dhacii laba kooxood u dhaxeeyay waxa uu isku bedelay gadood xoogan oo aan la garanayn waxa uu salka ku hayo, waxa ay dhalintaasi gadoodsani boobeen meherado badan oo shaqaynayay oo ay ka mid yihiin tukaamo, maqaaxiyahii cashada, dumarkii jaadka Iibinayay, iyo goobo badan oo ganacsi, waxa ay shiideen guryo badan oo aagaasi ah, waxana ay dhaawacyo badan soo gaarsiiyeen dad badan, booliska oo kala dhex galay ayaa waxa ay qaadatay saacado badan in amniga dib loo sugo, waxana arintan loo xidhay oo la tuhunsan yahay dhalinyaro ilaa labaatameeyo ah, kuwo kale oo la tuhmay oo la waayayna waxa la soo xidhay waalidkood, waxana socda baadhitaano xoogan oo arintan wixii sababay lagu baadhayo?

Dhinaca kale waxa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay isku dhacan dhex maray dhalinyarada laba xaafadood oo gudaha magaalada ah habeenimadii xalay, waxana cisbitaalka Boorama lagu dawaynayay ilaa maanta dad badan oo dhaawacyo u badan dakharo qaba oo si teelteel ah u imanayay cisbitaalka, sidoo kale waxa maanta aad u badnaa dacwadaha soo gaadhaya saldhigyada ciidanka booliska ee ku aadanaa burburka iyo boobka hantida loo gaystay  ee ka dhashay isku dhacaasi dhex maray dhalinyaradan labada xaafadood

Madaxa gudi hoosaadka Amniga iyo Xalinta Khilaafaadka ee golaha degaanka ee degmada Boorama Xil. Ibraahim Liibaan oo aan arintan wax ka waydiinay ayaa yidhi ?Ma ahayn waxa dhacay wax caadi ah, waxa uu ahaa isku dhac u dhexeeyay laba xaafadood, kaasi oo khal khal galiyay amniga iyo degenaashaha, waxa jira dhaawac badan oo dhakhtarka yaala, sidoo kale waxa ka dhashay boob, burburin hantiyeed iyo argagax lagula kacay dadka shacabka ah ee dhex marayay xaafadahaas Jarka iyo Istaanka ee magaalada Boorama oo ay dhalinyaradoodu dirirtay, Boolisku waxa ay gacanta ku dhigeen dhalinyaro la tuhunsan yahay, waxana wali socda baadhitaano arintan lagaga gun gaadhayo, mana aha waxa dhacay wax sahlan oo aan dhayalsanayno?

Si kastaba ha ahaatee arintan xalay ka dhacday gudaha Boorama ayaa waxa ay tahay mid aan sanadihii u dambeeyay la maqal lana arag mid nooceeda ah. Dhilinyaradan isku gadooday ayaa waxa ay kala xidheen isku socodkii xaafadaha agagaarka Istaanka ilaa dhinaca xaafadaha Jarka ee magaalada, waxana gabi ahaanba istaagay ganacsigii iyo gaadiidkii u kala gooshayay xaafadahaasi, sidoo kale waxa ay dhalinyaradaasi dhagax la boobeen meheradihii xaafadahaas ka furnaa ee shaqaynayay, waxa ay garaaceen oo dhaawacyo soo gaarsiiyeen dad aan da? loo eegin oo aagaasi marayay, waxana ay wararku intaasi ku darayaan in burbur, boob hantiyeed iyo dhaawacyo tiro badan uu gaystay gadoodkaasi.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com

Exit mobile version