WAJAALE NEWS

Khamriilayaal jiidhay birta Kastamka Abaarso, Askarigii ilaalinayeyna gaadhiga ku ritay

baarso(Wajaalenews) Khamriilayaal shixnad Khamri ah ku siday Bas Noha ah ayaa habeen hore tuulada Abaarso ku jiidhay Birta taala kantaroolka Kastamkaasi kadib markii ay Askarigii birta hayey iyo qorigiisiiba ku hubsadeen gaadhiga dhexdiisa, isla markaana qaatay.
Sirkhaaminta ayaa markii ay birta jiidheen si xawli ah gaadhigii u kaxeeyey, waxaanay dhex jibaaxeen magaaladda iyagoo markiiba uga baxay dhinaca Dhaboolaq, halkaas oo la sheegay in ay gaadhigii kaga carareen.
Sirkhaamiinta ayaa intii ay dhexda sii socdeen Askarigii iyo Jirikaamo Khamri ah iska tuuray si ay ugu mashquuliyaan Gurmadka ka daba yimaada, hase yeeshee waxa u suurtogashay in ay baxsadaan markaas inkasta oo gaadhigii iyo Khamrigiiba saacadihii danbe la soo helay isagoo meel cidlo ah yaala.
Dad Reer Abaarso ah ayaa Wajaale u sheegay markii ay kooxdani birta jiidhay in Booliiskii kale rasaas ka daba rideen balse ay la waayeen.
Sida ay dadkaasi sheegeen Booliiska ayaa kaga daba gurmaday Taxi kantaroolka yaalay hase yeeshee isaga oo aan magaaladdaba ka fogaan ayuu shiidaalkii ka goostay.
Askarta ayaa qaylo dhaan u soo diratay Hargeysa, waxaana u gurmaday gaadiid iyo Booliis badan kuwaas oo illaa xalay baadi goob ugu jiray sidii ay Sirkhaamiinta iyo Askarigii ay la baxsadeen loo soo heli lahaa, waxaana inta u dhaxaysa Abaarso illaa Dhaboolaq laga sameeyey hawl-gal balaadhan.
Ilo wareed u dhuun daloolay hawl-galkan ayaa Waaheen markii danbe u xaqiijiyey in gaadhigii iyo shixnadii saarnaydba la soo qabtay oo saldhiga la keenay, halka ay ka baxsadeen kooxdii wadatay.
Abaarso ayaa ah bar kantarool oo muhiim ah isla markaana waxa ku yaala Kastam muhiim u ah isu socodka gaadiidka, waxaana xukuumadda ka soo gala Dakhli balaadhan hase yeeshee ma laha saldhig Booliis iyo gaadiid toona, waxaana inta badan haddii ay wax dhacaan u gurmada saldhiga Koodbuur oo ay hoos yimaadaan deegaanka Abaarso oo dhami.

WAJAALENEWS DESK

Exit mobile version