WAJAALE NEWS

Daawo: Raysal Wasaaraha Talyaaniga Iyo Dawladiisa Oo Helay Kalsoonida Labada Gole Barlamaan.

talyaaniga(1).jpgRoma (WJN):- Raysal Wasaaraha cusub ee dalka Talyaaniga Paolo Gentiloni oo markii uu is casilay Raysal Wasaare Matteo Renzi oo uu

wasiirkiisi Arrimaha Dibada ahaa, Madaxweynaha dalkaasi u magacaabay, ayaa isaga iyo dawlada uu soo dhisay ay ku kalsoonida labada gole barlamaan ee dalka Talyaaniga ku guulaysteen.

Paolo Gentiloni ayaa aqalka sare u ansixiyay dawladiisa salaasadii, halka golaha wakiiladuna uu cod ku meel mariyay arbacadii 14, 12, 2016Ka, waxaanu sidaa ku halay kalsoonida labada aqal barlamaan ee dalka Talyaaniga, laakiin waxa uu qiray kala qaybsanaanta jirta iyo mudanayaasha cadhaysan ee golayaasha ka ololaynaya.

Wajaalenews.net
Hargeisa Office
Wariye:Abdiqadir Habane

Exit mobile version