WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Oo Waxba Kama Jiran Ku Tilmaamay Is Afgaradkii Shirka Dooda Qaran Ee Ay Xisbiyada Qaranku Ku Heshiiyeen In Dooda Qaran Lagu Wareejiyo Akadamiyada Nabada.

muuse biixiHargeysa(Wajaale News):-Gudoomiyaha  xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta saxaafada kula hadlaayey xafiikiisa ayaa sheegay in aanay xisbiyada mucaaridka ah jirin wax ay ku heshiiyeen oo la xidhiidha shirka dooda qaran ee ay hore saddexda xisbi qaran sheegen in lagu wareejiyey qabashadeeda Akadamiyada Nabada.

gudoomiyaha oo laba cisho ka hor saxeexay isaga oo mataalayey xukumada Somaliland ogolaanshaha dooda qaran ayaa sidan maanta saxaafada u sheegay, waxaanu intaas ku daray inay ku heshiin oo kaliya saddexdan qodob.waxa uu sheegay gudoomiye muuse Biixi in ay saddex qodob oo kali ku heshiiyeen

“qodobka ugu horeeyaa waxa weeye aan wada hadalno oo meel dhex dhexaad inoo ahi shirka hayno qabato, kaasna waan ogolaanay oo meeshi waxa weeye Akadamiyadda.

qodobka labaad waxaanu isla qaadanay arrimaha doorshada oo waxaanu ka doodnay oo aanu isla qaadanay arrinta doorashooyinka iyo qodobka saddexaad oo ah arrimaha siyaasadda dibada, gaar ahaana wada hadaladal Somaliya iyo Somaliland”.

warar ka baxsan hadalka gudoomiye Muuse Biixi oo laga helaayo dhanka madaxtooyada ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahaa gacan ka hadal ku dhex mari gaadhay maamulka Kulmiye iyo xubno wasiiro ah, taas oo ka dhalatay heshiiskii Xukumada iyo xisbiyada mucaaridka ee uu dhinaca xukuumadda u matalayey Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Hadalkan Maanta ka soo yeedhay Gudoomiye muuse Biixi ayaa u mucaaridka kula heshiiyeen in lagu wareejiyo Akaadamiyada nabada,isla markaana u muuqda laba codlayn,balse ilaa hada lama oga sababta keentay in  uu ka noqdo is afgaradkii ay sida wada jirka ah u gaadheen.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version