WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-Jeex Oo Uu Weheliyo Xog-hayaha Gobalku Oo Maanta Kormeer Ku Tagay Dhul Cusub Oo Loo Raray Bara-kacayaal Deganaa Degmadda Maxamed Mooge

Hargeysa-(wajaalenews)-Xoghayaha Gobalka Maroodi-Jeex oo u waramayay xafiiska wakaaladda wararka ee caalamiga ah ee wajaalenews

 
Hargeysa-(wajaalenews)-Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-Jeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeena-Yare), oo uu weheliyo Xoghayaha Gobalka Maroodi-Jeex Xamse Ciise Cabdi, ayaa maanta kormeer ku soo maray dhulka cusub ee la dejiyay dad barakacayaasha ah ee laga raray degmadda Maxamed Mooge ee Hargeysa ee loo raray deegaanka Uubaale ee koonfurta bari ee magaaladda Hargeysa.

Xoghayaha Gobalka Maroodi-Jeex oo u waramayay xafiiska wakaaladda wararka ee caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ee Hargeysa, ayaa daboolka ka qaaday in kormeerkoodani uu ahaa mid ay ugu kuur galayeen xaaladdaha Nabadgelyo iyo nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka deegaanka degan iyo kuwa barakacayaashaba , waxaanu Xoghayhuhu xusay in intii ay ku guda jireen kormeerkoodan ay si fool ka fool ah ula kulmeen dadkii barakacayaasha ahaa iyo odayaasha deegaanka Uubaale, iyaga oo kala hadlay dadka deegaankaa degan in ay soo dhaweeyaan dadka barakacayaasha ah, waxaanu Xoghayuhu balan qaaday in masuuliyiinta Gobolka Maroodi-Jeex ay u heelan yihiin mar walba sidii ay wax uga qaban lahaayeen horumarinta nolosha dadka deegaanka iyo kuwa barakacayaashaba.

Sidoo kale, Xoghayaha Gobalku waxa uu si diiran ugu mahad-celiyay dadka deegaanadda degan iyo kuwa barakacayaasha ah sidii diiranayd ee ay u soo dhaweeyeen, waxa kale oo uu u mahad-naqay Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Hay´adda Samafalka ee NRC, iyo dawladda Hoose ee caasimada Hargeysa kaalintii ay ka qaateen qorshahan rarista bara-kacayaasha.

Waxaanay Guddoomiyaha Gobalka iyo Xoghayaha Gobolkuba ay si wadajir ah u tibaaxeen sheegay in qorshaha lagfu raray dadkan barakacayaasha ahi uu yahay wejigii u horeeyay iyaga oo xusay in imika la rararay 200 oo qoys oo barakacayaal ah

Exit mobile version