WAJAALE NEWS

Wasiirkii Hore Wasaarada Waxbarashada Cabdilaahi Dheere Oo Ka Hadlay Gaadhi Wasaaradu Leedahay Oo Lagu Eedeeyey Inuu La Baxsanayey

Hargeysa(W,N):-Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere),  ayaa ka hadlay baabuur ay qaar ka mid ah warbaahintu baahiyeen oo ah in Gaadhi ay Wasaaradda Waxbarashadu lahayd oo uu islahaa la baxso in la soo qabtay, waxaanu xusay in Gaadhigaas uu u dhiibay Macalin, ay caruuri ka xanuunsanaysay si uu ugu soo qaado.

 

Wasiirkii Waxbarashada ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) “Boon waa Somaliland, meel xadka Somaliland ka baxsana kuma taalo, Qol-ujeed ayey ka hoosaysaa, nin Macalin ah oo miskiin ah oo carruuri ka xanuunsanayso, ayaan Gaadhiga u sii dhiibay, anigaana sii siiyey, Gaadhiguna waa kii Xasan Gadh-weyne ka hadhay,Taarikadana anaga ayaa leh Taariiko Somaliland ah oo xabad ayaanu leenahay, anigaana ku xidhay Taariikada anigaana siiyey, oo Taariikadana waxa lagu xidhaa marka imtaxaanada la qaadayo iyo marka ay hawlo kale jiraan, waanu diiwaangashan yahay, marka shayga buuga diiwaanka laga waayo ayaa la yidhaahda waa la xaday oo waa la lunsaday”.

Mar uu ka hadlaayey Gaadhigan iyo ayaa yidhi  “Ma  haboona in wax walba wax laga soo saaro, Gaadhigana diiwaanka Wasaaradda ayuu ku jiraa, xil wareejin baan ku dhiibayaa, Gaadhigana wuxuu ka hadhay Xasan Gadhweyne, oo Samsam baa uga dambaysay, oo Geedoole ayaa uga dambeeyey, oo aniga ayaa uga dambeeyey, aniguna waan wareejinayaa, oo Wasiirka xilka igala wareegaya ayaan ku wareejinayaa, ee intaan Gaadhigan la baxsanayo, maan la baxsado Gaawaadhida kale ee ka qaalisan ee yaala, anigana waxaas oo kale igama suurtoobaan.”

 

Exit mobile version