|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-Jeex Oo Uu Weheliyo Xog-hayaha Gobalku Oo Maanta Kormeer Ku Tagay Dhul Cusub Oo Loo Raray Bara-kacayaal Deganaa Degmadda Maxamed Mooge
December 25, 2013 - Written by Editor:Hargeysa-(wajaalenews)-Xoghayaha Gobalka Maroodi-Jeex oo u waramayay xafiiska wakaaladda wararka ee caalamiga ah ee wajaalenews ![]() Hargeysa-(wajaalenews)-Gudoomiyaha Gobalka Maroodi-Jeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeena-Yare), oo uu weheliyo Xoghayaha Gobalka Maroodi-Jeex Xamse Ciise Cabdi, ayaa maanta kormeer ku soo maray dhulka cusub ee la dejiyay dad barakacayaasha ah ee laga raray degmadda Maxamed Mooge ee Hargeysa ee loo raray deegaanka Uubaale ee koonfurta bari ee magaaladda Hargeysa.
Xoghayaha Gobalka Maroodi-Jeex oo u waramayay xafiiska wakaaladda wararka ee caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ee Hargeysa, ayaa daboolka ka qaaday in kormeerkoodani uu ahaa mid ay ugu kuur galayeen xaaladdaha Nabadgelyo iyo nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka deegaanka degan iyo kuwa barakacayaashaba , waxaanu Xoghayhuhu xusay in intii ay ku guda jireen kormeerkoodan ay si fool ka fool ah ula kulmeen dadkii barakacayaasha ahaa iyo odayaasha deegaanka Uubaale, iyaga oo kala hadlay dadka deegaankaa degan in ay soo dhaweeyaan dadka barakacayaasha ah, waxaanu Xoghayuhu balan qaaday in masuuliyiinta Gobolka Maroodi-Jeex ay u heelan yihiin mar walba sidii ay wax uga qaban lahaayeen horumarinta nolosha dadka deegaanka iyo kuwa barakacayaashaba. Sidoo kale, Xoghayaha Gobalku waxa uu si diiran ugu mahad-celiyay dadka deegaanadda degan iyo kuwa barakacayaasha ah sidii diiranayd ee ay u soo dhaweeyeen, waxa kale oo uu u mahad-naqay Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Hay´adda Samafalka ee NRC, iyo dawladda Hoose ee caasimada Hargeysa kaalintii ay ka qaateen qorshahan rarista bara-kacayaasha. Waxaanay Guddoomiyaha Gobalka iyo Xoghayaha Gobolkuba ay si wadajir ah u tibaaxeen sheegay in qorshaha lagfu raray dadkan barakacayaasha ahi uu yahay wejigii u horeeyay iyaga oo xusay in imika la rararay 200 oo qoys oo barakacayaal ah Related posts:Daawo:“Xaalada Maanta Dalka Ka Jirtaa Waa Mid Cakiran,Abaaro Laga Wada War Hayo Ayaa Dalka Ka Jira,S... Lafo-Gur Kooban:Habka Cusub Ee Doorashadda Soomaliya Guulaystayaasha Shirkii Dhuuso-Mareeb3 Iyo Furs... 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉SL O𝐨 Xarunta Agoomaha Ee Hargaysa ka 𝐝𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐥𝐦𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐜... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|