WAJAALE NEWS

Golaha Guurtidda oo guddi u saaray shaqaaqadii keentay mudaharaadkii biyo la’aanta

Waxa la Amray in la baadho masuuliyiinta ku shaqada leh Cashuuraha ay Booyadlaydu ka gadooday

Maareeyaha Biyaha, Maayarka Hargeysa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyadda oo la amray in loo yeedho iyo Golaha oo isha ka laliyey Xeerkii Xirsi ee Wadooyinka oo sabab u ahaa Kacdoonka

Hargeysa(WAJAALENEWS) Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa maanta guddi sagaal xildhibaan ka kooban u saaray baadhitaanka khasaarihii ka dhashay shaqo joojintii Booyadaha, mudaharaadkii Dadweynaha iyo Biyo la’aantii Hargeysa Gilgishay.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Amray Guddida in ay u yeedhaan masuuliyiinta saamaynta ku lahayd arrintan iyo Booyadlaydaba isla markaana ay waraysi la yeeshaan si Goluhu talaabo uga qaato Natiijada halkaas ka soo baxda ee sababtay dhibaatada.

Masuuliyiinta Goluhu dalbaday in loo yeedho ayaa kala ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale, Maayarka Caasimada Hargeysa C/raxmaan Maxamud Caydiid iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, halka dhinaca kalena ay ka dalbadeen Booyadlayda sii loo weydiiyo waxa ay ka cabanayaan.

Warar hordhac ah ayaa Waaheen u sheegay in guddidu isla maantaba la kulantay wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed warancade, Maareeyaha Wakaaaladda Biyaha Hargeysa iyo Booyadlaydaba, kuwaas oo ay su’aalo ka weydiiyeen doorka ay ku lahaayeen iyo xalka la sugayo in lagu furdaamin karo arrintan.

Guddida ayaa la filayaa in ay Berri la kulmaan Wasiirka Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale iyo Maayarka Caasimada C/raxmaan Maxamuud Caydiid, hase yeeshee waxa uu Guddoomiyaha Golaha Guurtiddu hilmaamay Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan oo ah maareeyaha Hay’adda Horumarinta Wadooyinka  Somaliland, kaasoo Xeerka Horumarinta Wadooyinka Somaliland ee ay Golaha Wakiiladdu Ansixiyeen ku soo darsaday tacriifadan keentay in Booyadlayda iyo Dalka oo dhami ka qaylyeen.

Si kasta ha ahaatee Booyadlayda ayaa la sheegay in ay Guddida Golaha Guurtidda ee arrintan loo saaray soo hor dhigeen lacagaha laga doonayo ee ay ka cabayaan oo kala ah:

·        4000 Shilling S/L kantaroolka Galabeed

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version