WAJAALE NEWS

Cisbitaalka Ceerigaabo Oo Albaabbadu U Xidhmeen xilli Xukuumaddu dadka ku mashquulisay qaadhaanka wadada

wajaale newsBisaaskaa ku xeroonaya maanta qalabkiina waa laga qaatay xabaglayaashaana habeenkii taga”

Ceerigaabo(Wajaalenews) Cusbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo ayaa muddado dheer albaabbadu u xidhan yihiin kaddib markii laga waayey gebi ahaan adeegyada caafimaad ee bulshadu u baahan tahay, sidoo kalena qalabkii casriga ahaa ee ay kaga guurtey hay’addii ugu danbaysey (MSF) ayaan la ogayn meel uu ku danbeeyey halka dawooyinkiina ay galeen gacanta dad ka ganacsada.

Waxana Shir Khamiistii lagu qabtay Xarunta Dawladda Hoose Ee magaalada Ceerigaabo oo goob joogna  ka ahayd Gabadha ka socotey Midowga dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn Drs-Xaliima Maxamed oo iyadu iskeed ugu hawl-lan sidii cusbitaalkan guud ee Ceerigaabo ay dhakhaatiirtani uga hawl gelilahaayeen ayna isugu yimaaddeen inta u damqanaysa caafimaad-darrada haysata bulshada danyarta iyo nugulka ku dhaqan Ceerigaabo ee cusbitaalkoodiina muddada dheer albaabbadu u xidhan yihiin xukumaddooduna aanay xil iska saarain xal u helidda xaaladdan dhammaan Mas’uuliyiinta dhinaca xikuumadda, xildhibaannada golaha degaanka, aqoonyahanka, madax-dhaqameedka, bukaan-jiifka cusbitaalkan iyo cid kastoo halkaas ka hadashayba ka marag keceen xaaladda adag ee kajirta cusbitaalka Ceerigaabo iyo inay tahay mid aan la eegan karin.

“Copy baa timid MSF baa timid oo laba sano joogtey way iskaga tageen maanta bisaaskaa ku xeroonaya qalabkiina laga qaadey waa baaba’ay wax alla wax yaallaa majiraan yaryarka xabagta cabba ayaa jooga imminka”. Sidaas waxa hadalkiisa ku bilaabay Xildhibaan-Jaamac Jibriil oo katirsan golaha degaanka Ceerigaabo. Wuxuna intaas kusii daray “Raggiinna hore cusbitaalkoo shaqaynaya joogey maantana isagoo baaba’san jooga idinkuna tashada oo ma sidan bay ku fiican tahay mise sidii hore halkaas namaydin fahamsiin”.

“Had iyo jeer waxa gobolkeenna la innaku tilmaamaa beelo-beelo iwm Waxase la innooka baahan yahay inaynu soo dhowayno gabadhan kasocota dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee rabta in cusbitaalkeennu shaqeeyo oo aynu ku taageerno meel kasta inay ka shaqayn karto”. Sidaas waxa yidhi Aqoon-yahan C/raxmaan Dawaare.

“Annagu waayeel ahaan waannu soo dhowaynaynaa Drs-Faadumo iyo dhakhaatiirteeda wax kastana waannu kula qabanaynaa laakiin Reer Ceerigaabo halkaynu caafimaadka ka joogno waa isla ognahay innaku”. Sidaas waxa isaguna shirkaas ka yidhi Siciid-bidaar oo ka mid ah waayeelka beelaha reer Sanaag.

 

 “Annagu haween ahaan waxannu nahay cidda ugu nugul caafimaad darrada iyo dhibaatada cusbitaal iyo adeeg la’aanta inna haysata cid kastoo wax nagala qabanaysana waannu soo dhowaynaynaa”. Sidaas waxa tidhi Marwo Maryan Maxamed Ducaale

“Daawada suuqa ayaannu kazoo iibsannaa dhakhaatiirtu markaannu helnona waa nagu mudaan keliya wax kaloo adeeg iyo ka war hayn toonnana ma helno”. Sidaas waxa yidhi bukaan-jiif isaga duruuftu u saamixi weydey inuu halkaas ka koco oo aannu cusbitaalkan ku booqannay”.

Waxana xusid gaar ah mudan xal u helid la’aanta habsami u socodka hawlaha caafimaad ee Cusbitaalka Ceerigaabo ayaa intooda badan lagu eedeeyaa caqabado cid kastoo isku dayda in cusbitaalkani shaqeeyo kaga timaadda maammulka iyo madaxda waaxyaha cusbitaalkan qaarkood oo tan iyo intii Somaliland jirtey xukuumadihii kala danbeeyey aan marna waxka beddel iyo dabagal toonna lagu samayn.

Halka hay’adaha ku shaqada leh caafimaadka sida WHO, UNICEF iyo qaar kaleba aanay jirin wax taageero muuqata oo ay u fidiyaan baahiyaadka caafimaad ee ay qabaan bulshada ku tabaalaysan daafaha gobolkan Sanaag oo ah kan ugu baaxaada weyn uguna bulshada badan Somaliland. Taasoo u muuqata in aanay jirin cid la xisaabtanta ama dabaggal ku samaysa hay’adaha ku shaqada leh caafimaadka ee ka hawl gala magaala-madaxda gobolka Sana gee Ceerigaabo

wajaalenews.com

contact;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version