WAJAALE NEWS

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warbarashada Oo Hargaysa Ku Soo Xidhay Tababar Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Dugsiyada.

maxamed xasan ibrahimHargaysa(Wajaale News):- Agaasimaha Guud ee Wasaarada waxbarashada Mud,Maxamed Xasan Ibraahin ayaa maanta  Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa  Ugu xidhay  Shan iyo todobaatan  
Xubnood oo ka mid ah Gudiyada Waalidiinta Dugsiyada Gobolada Marodi/Jeex, Saaxil iyo Awdal kulan howleed ay ku baranayeen  duruus la xidhiidha, Xalinta khilaafaadka Dugsiyada, iyo ka howl-gal baahiyaha dugsiyada
Agaasimaha Guud oo xidhitaamnkii  Kulan howleedkaa ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay ujeedada waalidiinta ardayda loogu  qabtay kulan-howleedkan,waxaanuu tilmaamay in ay aad ugu mahad naqayaan waalidiinta isu taagay inay kaalintooda ka qaataan  wax-barashada. Waxaanuu Agaasuimaha Guud intaa raaciyey, Dugsi kasta marka la dhiso uu bahan yahay inuu yeesho cid ka muusl ah,kaas oo ah waalidka ka dibna la helo Ardaydii wax ka baran lahayd.

Waxaanuu tilmaamay Agaasimaha Guud in ardaydu  ay yihiin  Mustaqbalkeenii, sidaas darteedna ay waajib tahay inaynu ilaalino  Ardayda iyo dugsiga ay wax ka dhiganayaanba.

Madaxa mashruuca horuumarinta cilmiga ee  Hay?adda SCF. Axmed Abokor,waxaanuu sheegay, in wax-barashadu ay ka mid tahay xuquuqaha  uu ilmaha yari leeyahay, sidaas darteedna waxa inagu waajib ah in ardayda dugsiyada ka soo baxaysaa ay noqdaan arday  tayo leh dhinac-yada diinta iyo akh-laaqadaba ka dhisan.

Axmed abokor madaxa  mashruuca horumarinta hay?adda SCF waxa uu intaa raaciyey,in masuuliyadaa in dugsiyada ay ka soo baxaan arday taya leh  ay leedahay wasaarada wax-barashada, hase ahaatee ay wasaaradina idinka idiin wakiilatay.Waxaanuu waalidiinta u soo jeediyey inay hawshan ay iasu xil-qaameen  oo ah miday  Ubadkooda u qabanayaan  siday wax u baran lahaayeen,iklaahayna ay ajar iyo xasanaad kaga helayaan  inay xil weyn isaka saaraan sidii ay uga  soo dhalaali lahaayeen.Waxakale, Iyana halkaa ka hadlay Masuulka Guud ee waxbarashada  Hay?adda SCF iyo Cabdinaasir Cali Sahal iyo Aamina C/llahi Geedi oo afka waalidiinta ku hadlaysay.

Hargaysa Office
Wajaale News
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane
Email:habane00@gmail.com

Exit mobile version