|
|||||
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warbarashada Oo Hargaysa Ku Soo Xidhay Tababar Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Dugsiyada.
December 12, 2013 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News):- Agaasimaha Guud ee Wasaarada waxbarashada Mud,Maxamed Xasan Ibraahin ayaa maanta Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa Ugu xidhay Shan iyo todobaatan Waxaanuu tilmaamay Agaasimaha Guud in ardaydu ay yihiin Mustaqbalkeenii, sidaas darteedna ay waajib tahay inaynu ilaalino Ardayda iyo dugsiga ay wax ka dhiganayaanba. Madaxa mashruuca horuumarinta cilmiga ee Hay?adda SCF. Axmed Abokor,waxaanuu sheegay, in wax-barashadu ay ka mid tahay xuquuqaha uu ilmaha yari leeyahay, sidaas darteedna waxa inagu waajib ah in ardayda dugsiyada ka soo baxaysaa ay noqdaan arday tayo leh dhinac-yada diinta iyo akh-laaqadaba ka dhisan. Axmed abokor madaxa mashruuca horumarinta hay?adda SCF waxa uu intaa raaciyey,in masuuliyadaa in dugsiyada ay ka soo baxaan arday taya leh ay leedahay wasaarada wax-barashada, hase ahaatee ay wasaaradina idinka idiin wakiilatay.Waxaanuu waalidiinta u soo jeediyey inay hawshan ay iasu xil-qaameen oo ah miday Ubadkooda u qabanayaan siday wax u baran lahaayeen,iklaahayna ay ajar iyo xasanaad kaga helayaan inay xil weyn isaka saaraan sidii ay uga soo dhalaali lahaayeen.Waxakale, Iyana halkaa ka hadlay Masuulka Guud ee waxbarashada Hay?adda SCF iyo Cabdinaasir Cali Sahal iyo Aamina C/llahi Geedi oo afka waalidiinta ku hadlaysay. Hargaysa Office
|
LINKS
|
||||
|