Hargaysa(Wajaale News)Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dalxsiika somaliland Maxamed Xuseen (Dhabeeye)ayaa maanta furya kulan lagu darsayo sidii dhalinyarada reer somaliland shaqo loogu abuurikaro iyo sidii loo horumarin lahaa sanduuqa horumarinta dhalinyarada somaliland.
Kulan loo qabtay dhalinyarada ayaa waxa kasoo qayb galay madaxda kala duwan ee wasaarada dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Agaasimaha Guud ee Wasaarada dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Dalxiiska somaliland iyo dhalinyarada ka qayb-qaadanayse Aqoon Korodhsigan.
Kulankan Lagu Faaqidayo sidii dhalinyarada somaliland shaqo loogu abuurikaro ayaa waxa ka hadlay agaasimaha Waxaad Dhalinyarada Somaliland Waxaana uu yidhi”Halkan waxa aynu maanta ufadhinaa hawl mudo dheer soo soctay kamidho dhalinteedii ayeynu maanta usocnaa waa siyaasadii dhalinyarada somaliland ee golaha wasiiradu ay ansixiyeen Madax waynaha somaliland uu dhaqan-galiyey mudo dheerna soo kacaa-kufayse ayaa maanta umuuqata in ay kor Usoo kacday meel waanagsana marayso.
Waxa isna halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dalxiiska somaliland Maxamed Xuseen (Dhabeeye) waxaana uu yidhi?runtii kulankan maanta laga wada hadlayo waxa uu ahaa kulan aad iyo aad umuhiim ah oo ujeedadiisu ahayd in lagu lafo guro siyaasada dhalinyarada somaliland mudo badan soo jiitamayse oo maraysa marxalad gabo-gabo ah siyaasadaas dhalinyarada oo qaybo badan isugu jirta.
Mar uu ka hadlayey agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dalxiiska somaliland ujeedad siyaasada dhalinyarada loo hirgalinayaa waxa ay tahay ayaa waxa uu yidhi?ujeedada siyaasada dhalinyarada loo hir-galinayaa waxa ay tahay sidii loo kofor-garan lahaa am loo buuxin lahaa baahiyo badan oo ku gedaaman dhalinyarada reer somaliland oo ay leeyihiin una baahan in si cada looga hadlo oo baahiyaha dhalinyarada mawqif adag laga yeesho hadaba si taas waxa looga qabto dhalinyarada reer somaliland waxa loo sameeyey siyaasada cad oo hagta oo meelkasta taal maanta hadii loo baahdo, imika waxa loo Guntaday shacab iyo xukuumada sidii loo hir-galin lahaa siyaasadaa fulinteedii hadaba waxaas oo dhan waxa asaas U ah in dhalinyarada reer somaliland loo sameeyo sanduuq,dawlada iyo dadka maal-qabeenka ah haayada kala duwan ee caawiya dawlada somaliland gacan ka gaysta arimaha dhalinyarada dawlada hoose waxaas oo dhan waxa looga baahanyahay in gacan ka gaystaan dhalinyarada reer somaliland sidii loogu samayn lahaa sanduuqa horumarinta gudi madaxbanaan loogu saari-lahaa oo soo koobta baahiyaha ku gedaaman dhalinyarada reer somaliland.
Mar uu ka hadlayey agaasimaha guud dhibaatada haysata dhalinyarada reer somaliland ayaa waxa uu yidhi?maanta waynu ka war qabnaan oo dhibaato wayn ayaa haysata dhalinyaradeena reer somaliland waxaana uu yidhi?maanta waynu ka war qabnaa dhibaatada haysata dhalinyarada reer somaliland dhibaatadu haysataa waa mid aynu la qabno caalamka midna waa mid iyaga kali u ah markaas waxa loo baahanyahay in aynu arintaas darasno oo aynu ka fiirsano oo waxa midho dhal u ah dhalinyarada reer somaliland kasoo saarno si aynu dhibka haysta dhalinyarada waxa uga qabano ayaa uu ahaa kulankan aynu maanta halkan isugu-nimi.
Waxa kale uu agaasimaha guud carabka ku dhuftay in aanay dhalinyarada reer somaliland lahayn meel ay ku ciyaaraan waxaana uu yidhi?dhibaatooyinka ugu badan ee maanta haysta caruurteena waxa ka mid ah inaanay mee lagu ciyaaro iyo meel la iskugu yimaado aanay lahayn dhalinyarada reer somaliland sidii caafimaadkood loo heli lahaa sidii waxbarasho ku filan ay uheli-lahaayeen oo shaqooyin loogu abuuri lahaa markaas arimahaas oo dhan ayaa ku jira siyaasada dhalinyarada oo ku qotontaa markaas dhamaantiin waad ku mahad santiin sida wanaagsan ee aad ugasoo qayb gasheen waxaana idiin rajaynayaa inaad kulankan aad kasoo saari doontaan arin lagu hagi doono dhalinyarada reer somaliland.
Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane