|
|||||
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaarah Dalxiiska Somaliland Oo Maanta Furay Kulan Lagu Darsayo Sidii Dhalinyarada Reer Somaliland Shaqo Loogu Abuuri Karo
December 1, 2013 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News)Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dalxsiika somaliland Maxamed Xuseen (Dhabeeye)ayaa maanta furya kulan lagu darsayo sidii dhalinyarada reer somaliland shaqo loogu abuurikaro iyo sidii loo horumarin lahaa sanduuqa horumarinta dhalinyarada somaliland. Kulan loo qabtay dhalinyarada ayaa waxa kasoo qayb galay madaxda kala duwan ee wasaarada dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Agaasimaha Guud ee Wasaarada dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Dalxiiska somaliland iyo dhalinyarada ka qayb-qaadanayse Aqoon Korodhsigan. Mar uu ka hadlayey agaasimaha guud dhibaatada haysata dhalinyarada reer somaliland ayaa waxa uu yidhi?maanta waynu ka war qabnaan oo dhibaato wayn ayaa haysata dhalinyaradeena reer somaliland waxaana uu yidhi?maanta waynu ka war qabnaa dhibaatada haysata dhalinyarada reer somaliland dhibaatadu haysataa waa mid aynu la qabno caalamka midna waa mid iyaga kali u ah markaas waxa loo baahanyahay in aynu arintaas darasno oo aynu ka fiirsano oo waxa midho dhal u ah dhalinyarada reer somaliland kasoo saarno si aynu dhibka haysta dhalinyarada waxa uga qabano ayaa uu ahaa kulankan aynu maanta halkan isugu-nimi. Waxa kale uu agaasimaha guud carabka ku dhuftay in aanay dhalinyarada reer somaliland lahayn meel ay ku ciyaaraan waxaana uu yidhi?dhibaatooyinka ugu badan ee maanta haysta caruurteena waxa ka mid ah inaanay mee lagu ciyaaro iyo meel la iskugu yimaado aanay lahayn dhalinyarada reer somaliland sidii caafimaadkood loo heli lahaa sidii waxbarasho ku filan ay uheli-lahaayeen oo shaqooyin loogu abuuri lahaa markaas arimahaas oo dhan ayaa ku jira siyaasada dhalinyarada oo ku qotontaa markaas dhamaantiin waad ku mahad santiin sida wanaagsan ee aad ugasoo qayb gasheen waxaana idiin rajaynayaa inaad kulankan aad kasoo saari doontaan arin lagu hagi doono dhalinyarada reer somaliland. Wajaale News COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|