Hargaysa(Wajaale News):-Wasiirka Dibu-dajinta somaliland Axmed Cabdi Kaahin oo maanta magaalada hargaysa kula hadlay waraabinta ayaa waxa uu sheegay in ka wasaarada ahaan ay ka gaysan doonaan wixii taageero ah dabkii shalay baabiiyey qoysasa danyarah oo ku nool xaafada istaad-houska ee magaalada hargaysa.
Dabka shalay ka kacay xaafada stata-houska ayaa waxa uu dhibaato soo gaadhsiiyey qoysas danyarah ilaa hada inta la og yahay waxa ku dhintay hal qof oo dumar waxaan ku dhaawac may sagaal qof kuwaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalada.
Hadaba wasiirk dib dajinta somaliland oo maanta ka hadlay waxa ay ugu talo galeen dadkaas dhibaatadu soo gaadhay ayaa waxa uu yidhi”shalay toole waatii gubatay xaafada stata-houska ee buulal yarta ah waxaa dhacday markaas in dad badani ay ku dhaawac meen hal qofna uu ku dhintay markaas gurmada badan ayey ubaahn yihiin in loo sameeyo haayadda (UNHCR)ayaa waxaanu uwaydiinay baco ay dadku galaan iyo weel haday tahay iyo waxa ay hayaan ee ay gaadhsiin karaan dadkaas uu dabku baabiiyey.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”Haayaddihii oo dhan saaka waan isugu yeedhay waxaanu ka dalbanay in ay caawiyaan dadkaas ay ku timi maqaadiirtu ee dhibaatadu heeshay sidii meel loogu heli lahaa ay gabood ka dhigtaan dadkaas halkii la dajin lahaana waxaanu uwaydiinaynaa dawlada hoose oo taasi waa mid wayn oo caam ah haayadaha dadka waxa uqabtana iyana waanu udalbaynaa hase ahaatee maanta waxa ay ubaahan yihii waa gurmad iyo hoy ay helaan markaas hoygii waxaanu ka dalbanaa in ay siiyaan haayadaha dadkaas ay soo gaadhay tabaaladu in lagu caawiyo baco si ay uga galaan.
Wasiirka waxa uu intaasi ku daray”maanta anaga waxa nala gudboon inaanu dadkaas ay soo gaadhay tabaaladu ugurmano gadhsiino wixii aanu karo ka dawlada ahaan markasta diyaar ayaanu unahay inaanu dadkaas ay tabaaladu soo gaadhay caawino haayadahan wixii ay ku tari karaan uwaydiino.
Wasiirku isga oo ka hadlay hadii ay dhib timaado siday uga gashaaman karaan iyo sidii ay uga tabaabushaystaan waxaana uu yidhi”haayaduhu way hayaan wixii ay kaga tabaabushaystaan waxaana uyalaan bakhaaradooda lakiin anagu kacanta kuma hayno ee haayadii waxaad usheegto ee aad tidhaahdo halkaas ayey mushkiladi ka dhacday waxa ay ubaahan yihiin in ay goobtii tagaan oo ay eegaan si ay usoo ogaadaan xaalka meesha sida uu yahay markaas ayey keenaa wixii ay ku tari karaan lakiin waxaas ayaa loo baahan yahay waxba kagama helno.haayadaha.
Wasiirku mar uu ka hadlay ilaa hada waxa ay gaadhsiiyeen goobtii uu dabku ka kacay ayaa waxa uu yidhi”waxa weeye ilaa hada waxa laga joogaa saacado markii ay dhibaatadu dhacday waxa ay ahayd galin danbe markaas galinkii danbe haayaduhu ma joogaan wasaaraduna dhaqaale ay uhayse oo markaas ay gaadhiisay majiro ilaa hada markaas gurmadka loo fidinayaa waxa uu ka bilaabmayaa saaka uun lakiin gurmadkii hore dawladu way ku gurmatay bakhtiintii dabkii ka kacay goobta taasina waa waxa qabada weeyaan.
Sikastaba ha ahaatee xaafada stata-houska ayaa waxa ay la darsitahay nolol xumo kuwaas oo markasta dab ka kaco dabkaas oo waxayeelo wayna soo gaadhsiiya dadka kunool xaafada stata-houska xukuumada iyo dawlada hoose ayaa ilaa hada talaabo muuqata oo waxa loogu qabanayo xaafada stata-houska ka muujin.