Hargeysa(WJN):-afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani isla markaana loo doortay guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa sharci darro ku tilmaamay go,aanka uu soo saaray gudoomiye ku xigeenka labaad ee golahaasi
Hargeysa(Wajaale-News):-afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani isla markaana loo doortay guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa sharci darro ku tilmaamay go,aanka uu soo saaray gudoomiye ku xigeenka labaad ee golahaasi Md.Baashe Maxamed Faarax taas oo uu kaga hor yimid isku shaandhayntii lagu sameeyey guddi hoosaadyada golaha wakiilada,
Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay sharciga waafaqsan tahay
Isku shaandhayntii uu gudoomiyaha golahaasi ku sameeyey guddiyada golaha wakiilada.
Xildhiban Ibraahin Mahdi Buubaa |
Ugu horayn xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka hadlaya muranka ka dhex curtay shir gudoonka golaha wakiilada iyo isku shaandhaynta lagu sameeyey guddi hoosaadyada golahaasi ayaa waxa uu yidhi “waxaan xildhibaada golaha ku taageersanahay sida ay uga hadleen arintan cusub ee golaha haatan dhex timid, waxaana sax ah oo sharci ah isku shaandhayntii uu guddoomiyaha goluhu ku sameeyey guddi hoosaadyada golaha ee ku salaysnayd go,aanka golaha ka soo baxay , is doorashadii la doortay gudoomiyayaasha iyo ku xigeenada guddiyaduna waa sharci, gudoomiye ku xigeenka labaad oo markaa ku sime ahaana wuu saxeexay guddi kasta, sidaas ayaanay sharci ku yihiin isku shaandhayntii iyo doorashadii guddoomiyayaasha guddiyadu, sharci daro-na ay ku tahay go,aankii uu soo saaray gudoomiye ku xigeenka labaad goluhuna aanu u hogaansami doonin” Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa
Waxa cirka isku sii shareeraysa muranka ka taagan isku shaandhaynta lagu sameeyey guddi hoosaadyada golaha wakiilada taas oo iska hor keentay shir gudoonka golahaasi iyada oo xildhibaanada golahaaasina ku kala qaybsan yihiin isku shaandhaynta lagu sameeyey guddi hoosaadyada golaha wakiilada.
WAJAALE NEWS DESK
HARGEISA OFFICE
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com