|
|||||
WAJAALE NEWS
Waxa Sharci Ah Isku Shaandhayntii Uu Sameeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu, Waxaana Sharci Darro Ah Go,aankii Uu Soo Saaray Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Goluhu??..Xil.Ibraahin Mahdi Buubaa
November 20, 2013 - Written by editorHargeysa(WJN):-afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani isla markaana loo doortay guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa sharci darro ku tilmaamay go,aanka uu soo saaray gudoomiye ku xigeenka labaad ee golahaasi
Hargeysa(Wajaale-News):-afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani isla markaana loo doortay guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa sharci darro ku tilmaamay go,aanka uu soo saaray gudoomiye ku xigeenka labaad ee golahaasi Md.Baashe Maxamed Faarax taas oo uu kaga hor yimid isku shaandhayntii lagu sameeyey guddi hoosaadyada golaha wakiilada, Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay sharciga waafaqsan tahay Isku shaandhayntii uu gudoomiyaha golahaasi ku sameeyey guddiyada golaha wakiilada.
Ugu horayn xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka hadlaya muranka ka dhex curtay shir gudoonka golaha wakiilada iyo isku shaandhaynta lagu sameeyey guddi hoosaadyada golahaasi ayaa waxa uu yidhi “waxaan xildhibaada golaha ku taageersanahay sida ay uga hadleen arintan cusub ee golaha haatan dhex timid, waxaana sax ah oo sharci ah isku shaandhayntii uu guddoomiyaha goluhu ku sameeyey guddi hoosaadyada golaha ee ku salaysnayd go,aanka golaha ka soo baxay , is doorashadii la doortay gudoomiyayaasha iyo ku xigeenada guddiyaduna waa sharci, gudoomiye ku xigeenka labaad oo markaa ku sime ahaana wuu saxeexay guddi kasta, sidaas ayaanay sharci ku yihiin isku shaandhayntii iyo doorashadii guddoomiyayaasha guddiyadu, sharci daro-na ay ku tahay go,aankii uu soo saaray gudoomiye ku xigeenka labaad goluhuna aanu u hogaansami doonin” Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa Waxa cirka isku sii shareeraysa muranka ka taagan isku shaandhaynta lagu sameeyey guddi hoosaadyada golaha wakiilada taas oo iska hor keentay shir gudoonka golahaasi iyada oo xildhibaanada golahaaasina ku kala qaybsan yihiin isku shaandhaynta lagu sameeyey guddi hoosaadyada golaha wakiilada.
WAJAALE NEWS DESK HARGEISA OFFICE CONTACT US : Wajalenews@gmail.com
Related posts:“Madaxwaynaha Waxaa Looga Fadhiyaa, In Golaha Wakiilada Oo Maanta Aanay Jirin Wax Kale Oo Lagu Sheeg... Daawo: Wasaarada Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Si Adag Uga Hadashay Gabadh Laga Soo Dejiyey Diya... Prof Ibrahim Meecaad Oo Fashiliyay Duulaanka Wajiyada Badan Ee Ku Socda Somaliland Iyo Kooxaha Isku ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|