WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Dhagax Dhigay Dhisme Cusub Oo Ay Yeelan Doonto Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland+Daawo Sawirada

Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan xubno ka mida ah golihiisa wasiirada ayaa si rasmiya u dhagax dhigay dhismahan cusub ee ay yeelan doonto wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland kaas oo laga hir gelin doono xarunta wasaaradaas.

 

Hargeysa(WJN):-madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelan doonta wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland.

 

Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan xubno ka mida ah golihiisa wasiirada ayaa si rasmiya u dhagax dhigay dhismahan cusub ee ay yeelan doonto wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland kaas oo laga hir gelin doono xarunta wasaaradaas.

Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal oo ka hadlay dhagax dhiga dhismaha cusub ee wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta ayaa waxa uu sheegay inuu dhismahani badali doono kii hore oo ay dhistay dawlada Ingiriisku wakhti hore waxaanu yidhi    ? mudane madaxweyne waxaanu maanta doonaynaa Inaad noo dhaga dhigto si aynu  u bedelno daartii ay dawladii ingiriisku ay dhistay sanadkii 1947, kaas oo aanu ka rajaynayno inay noqoto daar aynu dhigano aqoon iyo qalabkii lagu kala hagi lahaa dalkeena hawadiisa si aanu ugu dhawaano shirkadaha  isgaadhsiinta ee sida gaarka ah loo leeyahay kuwaas oo maanta si weyn u hana qaaday si ay wasaaraduna ugu soo dhawaato.? Ayuu yidhi wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ooo isaguna ka hadlay dhagax dhiga dhismaha cusub ee wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland ayaa waxa uu sheegay inay ka markhaati kacayso horu marka uu dalku ku talaabsaday waxaana hadaladisii ka mid ahaa  ?farxad weyn ayey maanta ii tahay inaan maanta dhagax dhigo dhismaha wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland taas oo ah talaabo weyn oo aynu hore u qaadnay inaga oo maalinba maalinta ka danbaysa sii  kordhin doona, maalin walbana talaabo ayeynu qaadi doona,maantana tani waxay ka markhaati tahay horu marka aynu ku talaabsanay iyo kuwa inoo soo socda, dhismahanina waxa uu gacan weyn ka gaysan doonaa horu marka wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta.? Ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Exit mobile version