WAJAALE NEWS

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Socdaal Ku Tagay Dalka Jaarka Aynu Nahay Ee Ethiopia.

 

 

Hargaysa(WJN):- Wasiirka wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta socdaal shaqo ugu amababaxay dhinaca.

 

Hargaysa(Wajaale-news):- Wasiirka wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta socdaal shaqo ugu amababaxay dhinaca Dalka Itoobiya, isagoo kulamo la yeelan doona madaxda wasaarada Warfaafinta ee wadankaasi.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta oo socdaalkiisa uu ku wehelyey Wasiirkii hore ee wasaaradda kaluumaysiga Somaliland Md Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa intii aanu dalka ka dhoofin sheegay in socdaalkisu ku qotomo xidhiidhka labada dhinac wadahadal ku saabsan iskaashiga labada dawladood gaar ahaan dhinaca warbaahinta.

 

wasiirka iyo weftigiisa waxaa garoonka caalamiga ah ee Egal Intranational ku sii sagootiyey madaxda wasaaradda warfaafinta qaarkood .

 

 

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

Exit mobile version