WAJAALE NEWS

TIXDAN WAXA CURIYAY Abwaan MUKHTAAR CABDIQAADIR AW CUMAR (HINDISE) WAXAANAY KU SAABSANTAHAY QAABKA AY MADAXDA DALKU U MAAMULAAN XUKUNKA IYO XILKA AY DADKA IYO DALKA U HAYAAN

 

TIXDAN WAXA CURIYAY ANIGA OO AH MUKHTAAR CABDIQAADIR AW CUMAR (HINDISE) WAXAANAY KU SAABSANTAHAY QAABKA AY MADAXDA DALKU U MAAMULAAN XUKUNKA IYO XILKA AY DADKA IYO DALKA U HAYAAN, WAXAANA MAGACEEDA LA YIDHAA (XILKA MADAXDU SIDAN MAAHA)

 

WAANA TAN TIXDII:

 

XILKA MADAXDU SIDAN MAAHA

DADKA UUNXIDH XIDHO MAAHA

XOOLAHA MASAAKIINTA

ISKA XAABSO UUN MAAHA

XAWLI LACAG KU GURO MAAHA

CASHUURTAA XAWAASHLAYDA

XAMAALIINTA LAGA QAADO

KU XEREE ACCOUNT MAAHA

DANYARTOO XARAARAYSAN

MARAADUUF XEREE MAAHA

JAARKAAGOO XALAY QADAY

KU QADEE XANIID MAAHA

XISAABTAASI INA XAASHI

KA XANAAQA UUN MAAHA

HADBA DHAGAX XIJAAR WAYN AH

DHULKA MEEL KU XANIB MAAHA

HADBA XAFLAD TAG UUN MAAHA

MAQAS UUN LA XAFAR MAAHA

KOLBA XADHIG KU GOO MAAHA

WIXII WARAR XAQIIQO AH

CAR XARIIQA UUN MAAHA

WARIYAHA KU XAYRAAN MAAHA

SAXAAFADA XAG XAGO MAAHA

KAMARADA KA XOOG MAAHA

XABSIGAA KU RIDA MAAHA

XISBIYADA MUCAARIDKA A

KU AFUUF XAJIIN MAAHA

BURUSH XAARLE MARI MAAHA

BAARLAMAAN LA SOO XULAY

XINIINYAHA KA SAAR MAAHA

XUBNAHOODA MUHIMKA AH

U XIDHIIDHI ZAAD MAAHA

LAALUUSH U XAWIL MAAHA

MOOSHINKOODA XANIB MAAHA

QURBO JOOG U XARIG MAAHA

XAFIISKAAGU SUBAXDII

HA XIDHNAADO UUN MAAHA

CADAALADA XABAAL MAAHA

SHARCIGUUN XUMEE MAAHA

MARKA AAD XAL GARAN WAYDO

HEBELBAA XUN UUN MAAHA

XUKUNKUUN KA ERI MAAHA

WADOOYINKOO XASHIISH BUUXO

XAWAARE SARE KU SOCO MAAHA.

 

By: Mukhtaar Cabdiqaadir Aw Cumar (Hindise)

E-mail: hindise448@hotmail.com

Exit mobile version