WAJAALE NEWS

Turkiga Oo U Balanqaaday Somaliland In Ay Ka Hirgelin Doonaan Mashaariiic Horumarineed Iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Oo Ka Hadlay

madaxwayne siraanyoHargeysa (Wajaale News) – Weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee socdaalka ku tagey dalka Turkiga ayaa kulamo la yeeshay Ra?iisal wasaaraha dalkaas Recep Tayyip Erdogan.
Raysal wasaaraha dalka Turkiga ayaa si meeqaam sare ah xafiiskiisa ugu qaabilay weftiga Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanay labada dhinac wada yeesheen kulan qaatay muddo saacaddo ah.

Kulanka weftiga Somaliland iyo Raysal wasaaraha dalka Turkiga ayay kaga wada-hadleen qodobo badan oo
la xidhiidha wax wada qabsiga labada dal iyo sidii Turkigu uga caawin lahaa Somaliland dhinacyada horumarinta bulshadda iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo kulanka labada dhinac ka dib warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ay weftiga Somaliland iyo masuuliyiinta dalka Turkigu ka wada-hadleen, isagoo tilmaamay in wefti uu hogaaminayo raysal wasaare ku-xigeenka dalkaasi uu iman doono Somaliland.

“Waxaanu maanta la kulanay ra?iisal wasaaraha, ku-xigeenkiisa iyo Wasiirka ganacsiga, waxay si xoogan noogu soo dhaweeyeen xafiiskiisa Ra?ysal wasaaraha, waxa ugu muhiimsan ee aanu aad uga wada-hadalnayna waxa ka mid ah sidii uu wadanka Turkigu uu inooga caawin lahaa arrimo ay ka mid yihiin hirgelinta wadada Ceerigaabo, wadada Tog-wajaalle, xaga laydhka, dekadaha, waxbarashada iyo caafimaadka, markaa mashaariic badan ayaanu u qadinay wayna nala garteen inay wax nala qabtaan,” ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata.

“Waxa kale oo aanu ku casuunay ra?ysal wasaaraha iyo xukuumaddiisa inay Somaliland yimaadaan, waxaannu aad u xoojinay inaanu jecel nahay sida wax loo siiyo walaalayadda Soomaaliya in Somaliland-na loo siiyo, maadaama oo aanu nahay laba wadan oo walaalo oo maanta wada-hadallo u socdaan.”

Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu sheegay inay Raysal wasaaraha Turkigu ka aqbalay in labada dal is dhaafsadaan laba xafiis oo laga kala furro Hargeysa iyo Ankara, waxaanu yidhi “Waxa uu noo ballan-qaaday in raysal wasaare ku-xigeenku iman doono Somaliland oo aanu mashaariicdaa ka sii wada hadli doono, isla markaana waxaanu isla garanay inay xafiis ay ka furtaan Hargeysa, Somaliland-na ay xafiis ka furato magaaladda Ankara.”

Weftiga Madaxweynaha waxa socdaalkiisa Turkiga ku wehelinaya Wasiirrada Arrimaha dibadda, Ganacsiga, Marwadda koowaad ee Somaliland iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.

Wajaale News
Hargaysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version