Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Waxa Uu Tacsi U Dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland Ee Ay Ka Baxday MARXUUMA CAASHA CUMAR BULLAALE
Wariye:
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland ee ay ka baxday MARXUUMA CAASHA CUMAR BULLAALE oo ahayd Xaaskii Mujaahid Maxamuud Haybe Goodhaadhi oo ahaa Mujaahidiintii dalkan ku lahaa qiimaha ee naftooda u huray sidii ay dalkan u xorayn lahaayeen oo ay maanta 14.11.2013 xaaskiisi ku geeriyootay Magaalada Hargeisa laguna aasay.
Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumadda inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee ay ka baxdayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.