Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Waxa Uu Tacsi U Dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland Ee Ay Ka Baxday MARXUUMA CAASHA CUMAR BULLAALE | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Waxa Uu Tacsi U Dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland Ee Ay Ka Baxday MARXUUMA CAASHA CUMAR BULLAALE
November 14, 2013 - Written by Wariye:

madaxwayne siraanyoTACSI MADAXWEYNE

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Somaliland ee ay ka baxday MARXUUMA CAASHA CUMAR BULLAALE oo ahayd Xaaskii Mujaahid Maxamuud Haybe Goodhaadhi oo ahaa Mujaahidiintii dalkan ku lahaa qiimaha ee naftooda u huray sidii ay dalkan u xorayn lahaayeen oo ay maanta 14.11.2013 xaaskiisi ku geeriyootay Magaalada Hargeisa laguna aasay.

Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY  uga baryayaa Marxuumadda inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee ay ka baxdayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalnews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS