WAJAALE NEWS

Madaxawynaha Somaliland Oo Maalinta Bari Ah U Ambabaxaya Gobolka Gabiley+soo dhawayntiisa oo lagu mashquulay

Socdaalkiisan xadhiga ka jari doona 8 KM oo ka mid ah 19 KM ee waddada Xidhiidhisa Kalabaydh iyo Magaaladda Togwajaale oo uu dhagax dhigay mudo sanad laga joogo

Hargaysa (wajaalenews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed maxamed maxamuud Siilaanyo ayaa maalinta bari oo sabti ah safraya Gobolka Gabiley, Safarka madaxwaynaha waxaa ku wahelin doona raxan wasiiro ah oo u badan kuwa kasoo jeeda gobalka gabiley,
Ujeedada safarka madaxwaynaha ayaa waxaa ay iskugu jirtaa mashaariico xadhiga laga jarayo iyo kuwo dhagax la dhigayo.
Dhanka kale madaxwaynaha ayaa waxaa uu uu ka qayb gali doona dufcadii ugu horaysay eee ka qalin jabisay jaamacada timacade oo in badan sugaysay in uu mar uun madaxwaynuhu kala soo qayb galo.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Socdaalkiisan xadhiga ka jari doona 8 KM oo ka mid ah 19 KM ee waddada Xidhiidhisa Kalabaydh iyo Magaaladda Togwajaale taasi oo 8KM hadda laga faraxashay waxaana hadhay 11 KM oo u baahan in laamay la dhigi doono

madaxwayne silaanyo ayaa dhowr jeer kagaabsaday inuu jaamacada timacade xafladeeda tago waxa kale oo uu gobolka ku dhaafay socod hore

ilaa iyo intii siilaanyo talada qabsaday ayaad moodaa in ayna rer gabiley isfahmin walow hadana kow ay ka ahaayeen qolooyinkii soodoortay.

Exit mobile version