WAJAALE NEWS

Wafti balaadhan oo Xildhibaan Bashiir Tukaale Hogaaminayo oo Bari Buuqasho Ku Tagi Doona Gobolka Gabiley iyo Soo Dhawaytooda oo Laga Dareemayo Caawa

GABILEY (WAJAALENEWS)Wafti balaadhan oo Xildhibaan Bashiir Tukaale Hogaaminayo oo Bari Buuqasho Ku Tagaya Gobolka Gabiley iyo Soo Dhawaytooda oo Laga Dareemayo Caawa

Wafti balaadhan oo ka tirsan xusbiga mucaarid ah ee wadani ayaa maalinta bari ah safar shaqo ugu kicitimaya magaalada gabiley, xubnaha waftigan oo uu hor kacayo xildhibaan bashiir xuseen tukaale iyo xubno sarsare oo xusbiga  wadani ah ayaa lafilayaa in maalinta bari ah ay kulamo layeeshaan bulshada reer gabiley qaybaheeda kala duwan ,

Soodhawaynta waftigan ayaa siwayn looga dareemayaa magaalada gabiley iyadoo ay isbaabul xoogani ka socdo qaybaha magaalada gabiley,

Dhawaan ayay ahayd markii xildhibaan bashiir xuseen tukaale ka dhawaajiyay mooshin ka dhan ah caafimaadka madaxwaynaha Somaliland, mooshinkaasi oo ay wadeen xildhibaano uu horsed u ayahay xildhibaan tukaale ayaa bulshada reer gabiley aad u soo dhaweeyeen, iyagoo marka horeba ku jahawareersanaa cida ka arimisa dalka,

Bulshada reer gabiley ayaa hore ugu codeeyay in dalka uu hogaan ka noqdo siilaanyo lakiin doorosho kadib waxay reer gabiley ninkii ay doorteen waxa ku dhacay iyo meel uu jaan iyo cidhib dhigay

Odoyaal gabiley kasoo jeeda ayay dhawaan xukuumadu soo abaabushay si ay uga jawaabaan mooshinkii golaha ,ee xildhibaan bashiir ka dhawaajiyay ,waxayna xaal kabixiyeen arintaa .iyadoo aad uga cadhaysiisay aqoon yahanka reer gabiley iyo dhamaanba bulshada qaybaheeda kala duwan.

Isku soo wada duuboo waxaa lafilayaa in maalinta bariya xukuumadu kala hortimaado jid gooyo lamida tii hore loogu sameeyay xusbiga ucid oo uu hor kacayay aqoon yahan Jamaal cali xuseen, iyadoo laga soo celiayay kaantaroolka caabudla.

Hadii ay dhacdo arinta jid gooyada ah ayaa waxaa lafilayaa in ay ka kacaan duufaano siyaasadeed iyo mudaharaado aan kala joogsi lahayd oo ka bilowdo gabiley siina kala anbabixiya reer gabiley iyo xukuumada siilaanyo;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version