Warka sheegaya in sodonkii cisho ee ugu danbeeyay si wayn looga dhex ugaadhsanayay, Google iyo Yahoo, ayaa lagu xusay in qof kasta oo email-kiisa diray ama loo soo diray, 30-kaas cisho uu maray badhitaan, isla markaana ay dhacdo in loo soo diro dadka qaarkood, fariimo lagaga dalbanayo in ay buuxiyaan, foomam telefoon, halka ay joogaan iyo ciwaano kale in ay galiyaan lagaga dalbanayo, marka uu damco inuu furto sanduuqiisa, talaabooyinkas oo dhamaantood sirdoonka qaranka Maraykanku samayeen sida la cadeeyay.
Shirkadaha Google iyo yahoo ayaa si wayn uga cadhooday arrintan, waxaana jira cabsida laga qabo basaasida Maraykanku in ay dunida si wayn ugu sii kordhayso.
Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane