WAJAALE NEWS

Askari Ka Tirsan Ciidamadda Dawladda Somalia Oo Qoys Shan Qof Ka Kooban Ku Dilay Degmadda Daynuunay + Akhriso

Askari ka tirsan ciidanka dowlada Somalia ayaa la sheegyaaa in uu ilaa shan qof ku dilay degmadda Daynuunay ee Gobolka Bay.
Askarigan oo aad u hubeysnaa ayaa  la sheegay inuu ka mid ahaa ciidamada dowlada Somalia ayaa shalay ku laayey degaanka Daynuunaay ee gobolka Bay illaa shan ruux oo hal qoys ka soo wada jeeda.

Gudoomiyaha degaanka Deynuunaay Nuur Cali Madoobe ayaa sheegay in falkan naxdinta leh uu ka dhacay tuulo lagu magacaabo Sinoole oo ku taala duleedka Daynuunaay maalintii shalay.

Shanta qof ee la dilay ayuu sheegay guddoomiyuhu iney ka koobnayeen afar rag ah iyo haweeney isagoo xusay in gacan ku dhiiglaha falkaas geystay uu degaankaas ka baxsaday hase ahaatee lagu raad joogo.

Lama oga illaa hadda sababta askarigaas hubeysan ku kaliftay inuu laayo shan ruux oo hal qoys ka soo wada jeeda, inkastoo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dilkaas uu salka ku hayo aano qabiil.

Dadweynaha ku dhaqan degaanka Daynuunaay iyo nawaaxigeeda ayaa si weyn uga argagaxay falkan uu ninka hubeysani ku laayey shanta qof oo isku qoyska ah, iyagoo si weyna arrintan u hadal haya.

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version