|
|||||
WAJAALE NEWS
Askari Ka Tirsan Ciidamadda Dawladda Somalia Oo Qoys Shan Qof Ka Kooban Ku Dilay Degmadda Daynuunay + Akhriso
November 3, 2013 - Written by Wariye:
Gudoomiyaha degaanka Deynuunaay Nuur Cali Madoobe ayaa sheegay in falkan naxdinta leh uu ka dhacay tuulo lagu magacaabo Sinoole oo ku taala duleedka Daynuunaay maalintii shalay. Shanta qof ee la dilay ayuu sheegay guddoomiyuhu iney ka koobnayeen afar rag ah iyo haweeney isagoo xusay in gacan ku dhiiglaha falkaas geystay uu degaankaas ka baxsaday hase ahaatee lagu raad joogo. Lama oga illaa hadda sababta askarigaas hubeysan ku kaliftay inuu laayo shan ruux oo hal qoys ka soo wada jeeda, inkastoo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dilkaas uu salka ku hayo aano qabiil. Dadweynaha ku dhaqan degaanka Daynuunaay iyo nawaaxigeeda ayaa si weyn uga argagaxay falkan uu ninka hubeysani ku laayey shanta qof oo isku qoyska ah, iyagoo si weyna arrintan u hadal haya.
Wajaale News Related posts:Magacyada iyo Xilalka ay Hayeen Saraakiil Soomaaliya ka tirsanaa oo Al-Shabaab ku dishay Muqdisho DAAWO;-Cilmi Baadhis Ku Saabsan Saameynta Covid-19 Uu Ku Yeeshay Shaqada Iyo Shaqaalaha Oo Lagu Soo ... Xeer Ilaalinta Qaranka jsl Oo Amar Ku Bixisay In Lasoo Qabto Ganacsatadii Dalka Keentay Bariiska Dha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|