WAJAALE NEWS

Wasiirka Kaluumaysiga Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Booqasho Ku Marayay Deeganada Xeebaha Bariga Ayaa Soo Gaadhay Magaalada Berbera.

Berbera(Wajaale News):-Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland  Mudane Cali Jaamac Faarax Buureed  Iyo Wafti Uu Hogaaminayay Oo Maalmahan Safar shaqo ku marayay Deeganada xeebta ee bariga somaliland oo ayaa maanta soo gaadhay magaalada Berbera .
Wasiirka Waxa safarka ku wehelinayay Agaasimaha guud ee wasaaradaas .
Waftigan oo safarka ka soo bilaabay xeebta laasqoray ayaaa soo maray xeebta dheeer ilaa ay ka soo gaadheen magaalda dekeda ee Berbera .
Waftigan  ayaa waxay U Mahadceliyay Dadwaynaha ku nool deeganaada ay soo mareen oo ay sheegeen inay si diiran u soo dhaweeyeen.
Safarkan shaqo oo ah kiii ugu baladhnaa ee ay qaado wasaarada kaluumaysigu ayaa waxay Dadwyanaha ku nool xeebaha ku dhiirigalinayeen Sidii ay waxsoosaarka bada Dadku Uga faaiidaysan lahaayeen , Islamarkaana waxay dadwaynaha ku nool meelaha xeebaha u qaybiyeen agabka kaluumaysiga .
Wasiiirka iyo wadtigiisa ayaa waxa u qorshaysan intay jooogaan magaalada berbera Kulano ay layeelan doonaan Iskaashatooyinka iyo shirkadaha kaluumaysiga ee ka jira magaalada berbera.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version