Weftigii uu hogaminayey Wasiirka Madaxtooyadu oo Gaadhay Ceerigaabo Salaaddii Ciidana saaka la tukaday reer Ceerigabo.
Wasiirka madaxtooyada oo markii uu shalay gaadhey Magaalada ceerigaabo qoraal kooban oo bogaaadin iyo hawlaha ay u socdan ku saabsan ku daabacay Boggiisa Facebook iyo Bloggiisa gaarka ah aya yidhi:
Xoogeena, Xeeladeena ,Xirfadeena, Xoolaheena ayeynu ku Xaqiijin Jidkaas Go?doonka ka dhigay Qayb kamid Dalkeena?
Maanta oo Isniin ah waxaan nabad gaadhnay caasimada gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waxay ahayd maalin dareen diiran leh, waxay ahayd maalin aad wajiyada dhamaan dadka ku nool caasimada gobolka sanaag ee Ceerigaabo aad ka dareemayso farxad iyo rajo badan, waxay ahayd maalin aad qirayso qadhaadhka ay ku hayso dadka gobolkaas degan jidkaaas dheer ee qorfaha ah.
Way ka go?an tahay xukuumada maanta talada dalka haysa hirgalinta jidkaas Insha Allah, bulshada reer Sanaag waxaa saaran in ay u guntadaan hirgalinta jidkaas oo ay uugu horeeyaan gacan ka gaysiga hawshaas baaxada leh, bulshada kale ee reer Somaliland-na waxay diyaar u yihiin garab joogsiga xaqiijinta riyadaas quruxda badan, diyaar bay u yihiin in dalkooga ka dhex qaadaan xuduudan jid xumada ah ee kala dhex taala, diyaar bay u yihiin hawsha aad diyaarka u tihiin.
Ugu dambayn waxaan Alle inooga baryeyaa maanta oo la taagan yahay buurta Carafo oo ay tahay maalin Alle naxariistiisu badan tahay, in uu hamigeena inoo rumeeyo.
Waan hubaa hadii aynu Xoogeena, Xeeladeena ,Xirfadeena, Xoolaheena aynu ku Xaqiijin karno Jidkaas Go?doonka ka dhigay Qayb kamid Dalkeena