WAJAALE NEWS

Wasiirka Duulista Hawada Iyo Horumarinta Madaarada Jsl Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Ceerigaabo!

Ceerigaabo(W,N)-Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada  Fu’aad Axmed Nuux  iyo wefti uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas ayaa gaadhay magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Weftiga Waxa ku soo dhaweeyay magaalada Wasiiru-Dowlaha Amniga, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Sanaag, Maayarka Ceerigaabo iyo Taliyaha Booliiska ee Gobolka.

Wasiirka Duulista Fu’aad Axmed Nuux  iyo weftigiisu waxa ay kormeereen  Madaarka Ceerigaabo qeybihiisa kala duwan, iyaga oo kulan la yeeshay Maamulaha iyo Shaqaalaha Madaarka Ceerigaabo.

Sidoo kale Wasiirka iyo xubnaha la socday waxa ay kulan gaar ah la qaateen Maamulka Heer Gobol iyo Heer Degmo ee Gobolka Sanaag oo ay ka wada hadleen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarinta iyo dhismaha Madaarka Ceerigaabo.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse  iyo Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa iyaguna dhinacooda sheegay inay hore uga qayb-qaateen dhismaha Madaarka Ceerigaabo maantana ay diyaar u yihiin inay kaalintooda qaataan.

Exit mobile version